Xafiiska Sadaasha Hawada Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa ka digay roobab waaweyn la filayo in ay Oktoobar 16-keeda ka da’aan qaybo ka mid ah goballada Bariga Somaliland.
Hay’addu waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in xogaha ay helaysaa ay muujinayaan in roobabkaas laxaadkooda laga filan karo deegaannada ay ka mid yihiin Ballidhiig, Laasadacawo, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Xudun. Waxa aanu roobku ugu sii kala badnaan doonaan sida ay u kala horeeyaan. Iyada oo dhammaan goballada Somaliland laga filayo roobab intii caadiga ahayd ka badan, gaar ahaan dhulka oogada ama hawdka loo yaqaanno.
Warbixintu waxa ay ka digtay in roobabka la filayaa ay sababi karaan daadad xoog badan oo khasaare geysta.
Hay’adda saadaasha hawada ee wasaaradda horumarinta Somaliland waxa ay muwaadiniinta kula talisay in ay ka fogaadaan deegaannada jooggoodu hooseeyo iyo biyo mareennada. Warbixinta ay hay’addu soo saartay khamiista 10-ka Oktoobar, waxa ay sida oo kale ku sheegtay in roobabka Karanta loo yaqaanno ee guud ahaanba Somaliland ka da’ay bilihii Julay illaa Oktoobar ee sannadkani ay ka badnaayeen intii hore looga bartay.






