Madaxweyne Muuse Biixi ka qayb galay aas qaran oo dhacay Jabuuti
0 Comments
Madxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland gelinkii hore ee khamiista 10-ka Oktoobar socdaal ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti oo uu kaga qaybgalayo aaska Marxuum Sacad Geelle oo ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti walaalkii.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa ka mid noqonaya masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal Soomaali ah oo deegaannada iyo dawladaha kala duwan ee Soomaalida uga imanaya ka qaybgalka aaska marxuum Sacad oo sida oo kale ahaa maareeyaha dekedda Jabbuuti.
Marxuum Sacad ayaa salaasadii 7-da Oktoobar ku geeriyooday magagaalada caasimadda ah ee Jabbuuti.






