Madaxweyne Muuse wuu awoodaa, Sharcina wuu u leeyahay cafinta CAARE- Xildhibaan Guurtida ah
Suldaan Ismaacil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu awood iyo sharci u leeyahay in uu cafis u fidiyo Kornayl Care iyo jabhadiisa. Waxa aanu bogaadiyey xalkii dhowaan ay gaadheen madaxweynaha iyo beesha uu kornaylku ka soo jeedo, oo uu sheegay in ay arrintaas ay soo afjartay.
Xildhibaanka oo khamiista 10 ka Oktoobar la hadlay telefishankan CODKA BARIGA AFRIKA waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu kala doortay laba arin oo adag, isaga oo qaatay kii u fududdaatay, shacabkuna taageereen. Sida uu hadalka u dhigay. waxa aanu ku taliyey, in aan la nashuushiyeyn goaankaas ay madaxweynaha iyo odayaasha beesha Kornayl Caarre ay wada qaateen.
Dhinaca kale xildhibaanka oo ka hadlay arrimaha doorashada ayaa sheegay in aanu Komishanka doorashooyinku weli u soo gudbin habraaca ay doorashadu ku qabsoomi doonto, isla markaana aanay hor iman golahooda. Waxa se uu sheegay in aanu qabin aragtida ah in waqtiga doorashada ka hadhay aanu ku filnayn sidaa awgeed muddo kordhin kale loo baahan yahay.
Xildhibaanku waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in ay kala saaraan qabyaaladda iyo qaranka oo ay mar walba horreysiiyaan qaranka, in nabadgelyada la ilaaliyo iyo in la saaro xanaftii iyo dhaliilihii kala duwanaa ee ay reebtay doorashadii 2017 kii. Sida uu hadalka u dhigay.