https://www.premierbank.so/

Abaalweyn ayay Jabuuti ku leedahay Soomaaliya – Farmaajo

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Jabbuuti uu abaal weyn u galay Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Jabbuuti ay ahayd halkii dawladdii ugu horreysay eek u-meel-gaadh ahayd lagu soo dhisay Carta, waxa aanu uga mahadceliyey dadaal iyo waqti uu sheegay in Jabbuuti ay gelisay sidii ay Soomaaliay dib cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Madaxweynaha ayaa hadal kooban ka jeediyey munaasabad casho Sharaf ah oo uu habeennimadii arbacada 10 Oktoobar ku maamuusayey guddoomiyaha BAarlamaanka Jabbuuti Mudane Maxamed Cali Xaamud oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo uu kaga qaybgalay furitaannadii baarlamaannada dawladda federaalka iyo dawlad-gobaleedkaas.

Munasabadda casho sharafta ah, waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

https://www.premierbank.so/