https://www.premierbank.so/

Farmaajo oo gaadhay Addis Ababa, Saraakiilna dalacsiiyay

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa khamiista 10-ka Oktoobar gaadhay magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya, oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeedka urur gobaleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmi doona dalkaas.

Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayey waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa soo dhoweyn  ugu sameeyey raysalwasaaraha dalka Itoobiya mudane Abiy Axmed.

Dhinkaca kalana madaxweyne Farmaajo ayaa wareegto uu isla khamiista soo saaray waxa uu talie ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliya u magacaabay Maxamed Cali Bariise oo uu madaxweynuhu u dallacsiiyey Sarreeye Guuto.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu sarreeye guuto u dallacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo uu isagana u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

https://www.premierbank.so/