https://www.premierbank.so/

Ciidamada Soomaliya oo la wareegey CAMAARA

Cutubyo ka tirsan Qeybta 21-aad ee
ciidamada xoogga dalka ee Somaaliya ayaa sabtida 5-ta Sabtembar howlgal kula
wareegay degmada Camaara ee gobolka Mudug halkaas oo ka mid ahayd deegaannada
uu ururka Alshabaab maamulo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in
jidadka magaalada lagu arkayo gaadiidka ciidamada dawladda. Taliyaha qaybta
21-aad Janaraal ‘Qooje’ oo markii ay ciidamadu la wareegeen gacan ku haynta
Camaara, la hadlay Shacabka degmada ayaa sheegey in ciidamadu ay hore ugu sii
socon doonaan deegaannada kale ee weli Alshabaab ka taliso, iyada oo uu Qorshuhuna
yahay in la gaadho dhamaanba deeganada kale ee Galmudug ee ay Alshabaab weli
gacanta ku hayso.

Laakiin saraakiisha dawladdu ma’ay sheegin in iska hor imaad
ciidan ay kula wareegeen degmada iyo in Alshabaab ay iskaga baxday. Ururka
Alshabaab ayaan isaguna illaa hadda wax war ah ka soo saarin degmada laga
qabsaday.

https://www.premierbank.so/