https://www.premierbank.so/

Faadumo Siciid oo eedeysey Siyaasadaha Arimaha Dibadda & Qorshaynta ee Somaliland

Xisbiga Waddani Ee Jamhuuriyada
Somaliland ayaa nasiibdaro wayn ku tilmaamay go’aanka ay xildhibaanno ka tirsan
Labada Aqal ee Barlamaanka Somaliland Ku Taageeraan Inay Ka Qaybgalaan shirka
lagu caleemo saarayo madaxwynaha maamul goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, kaas
oo uu xisbigu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hoos u dhigaysa heerka ay
Somaliland joogtay, dhaawcna ku ah doonistii gooni isutaagga ee ay muddada 30
sano ah dagaalka iyo dadaalka adag ugu jirtay.

Xoghayaha Arimaha
Dibadda Ee Xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid oo sabtida 5-ta Oktobar
Magalada Hargeysa kula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in baarlamaanku uu
yahay awooddii ugu sarraysay qarannka, tallaabada ay qaadeenna ay dhabar jab ku
tahay qarankaba. iyada oo intaas ku dartay in la is weydiinayo in somaliland ay
maamul goboleed tahay oo ay maamul goboleed kale caleema saarkiisa kala
qaybgelayso.

Xogahayaha Arimaha
Dibada Xisbiga Waddani waxa ay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ka
codsatay in uu joojiyo xubnaha doonaya in ay ka qaybgalaaan shirka lagu caleemo
saarayo Madaxwynaha Jubland.

Marwo Faadumo Siciid ayaa sidoo kale eedo u soo
jeedisay wasaaradaha arimaha dibada iyo qorshaynta qaranka oo ay sheegtay in uu
hoos u dhac wayni ku yimi shaqadooda. Iyada oo tusaale u soo qaadatay
shirweynihii lagu qabtay muqdisho ee wufuuda caalamka ah isugu timid, oo ay
sheegtay in shirkaas u ahaa kuwii hore loogu qaban jiray Magaalada Hargeysa

https://www.premierbank.so/