https://www.premierbank.so/

Axmed Madoobe oo garnaqsaday, soona jeediyay Wadahadal

Madaxweynaha dawladgobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto dawladda federaalka ah, si wada xaajood iyo is qancin loogu dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.

Mudane Axmed Madoobe waxa uu dawladda federaalak Soomaaliya ugu baaqay in miiska wadahadalka la isugu yimaaddo, si khilaafka loogu xalliyo hab Soomaalinimo ah oo aanay cid kale ku dhex jirin, Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intaas ku daray in dawladdiisu aanay diidanayn xuquuqda dastuurku siinayo dawladda federaalka.

Laakiin, dhinca kalana Axmed Madoobe oo eedo kulul u soo jeediyey dawladda federaalku waxa uu ku dooday in arrimaha gudaha ee Jubalanad iyo doorashooyinkeedu ay yihiin arrimo u yaalla dawlad-gobaleedkaas oo aanu ka wada hadalkeedu dawladda Federaalka u furnayn.

Axmed Madoobe waxa uu dawladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay dadaalkii iyo dhaqaalihii dawladnimo u leexisay arrimo siyaasadeed, taasina ay keentay hoos u dhac amni iyo in awoodda Alshabaab ay kor uga soo kacdo halkii ay laba sano ka hor joogtay, isaga oo intaas ku daray in dawladdu ay ciidankii furfurayso, kuna eedeeyey in hub loo geeyo Alshabaab.

Waxa kale oo uu Axmed Madoobe dhaliilay shirkii ‘Madasha saxiibbda Soomaaliya’ ee Khamiistii 3-da Oktoobar lagu soo gabagabeeyey Muqdisho, isaga oo sheegay in ay qalad ahayd in shirkan lagu soo koobo dawladda federaalka iyo in ay ka maqnaadaan Jubaland iyo Puntland, halka shirarkii ka horreeyey ay ka wada qaybgeli jireen dawladgobaleedyada, baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee dawladdu. Waxa aanu beesha caalamka ku dhaliilay in aanay si dhab ah u waajahayn runta ka jirta soomaaliya, tallaabadaas shirka ee ay qaadeenna ay Soomaaliya sii kala fogeynayso. Sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya uu kala hadlay, beesha Caalamkana ku wargeliyoey in uu diyaar u yahay in laga wada shaqeeyo la dagaallanka Alshabaab, deynta Cafinta oo qof kasta oo Soomaaliya dan u ah iyo horumarinta waddanka, laakiin jawaabta ay dawladdu ka bixisay soo jeedintiisu ay noqotay in ay hawada ka xidhay diyaaradihii tegi jiray Kismaayo. Arrintaas oo uu sheegay in ay u muuqato in la doonayo in Jubaland ay dawlad u gaar ah ku dhawaaqdo, laakiin aanu sidaas yeelayn. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intasa ku daray in dawladda federaalku ay la wareegistii maamulka hawada si qaldan ugu takri fashay, isla markaana ku adkaystay in Jubaland ay xaq u leedahay in ay ka mid noqoto maamulka hawada Soomaaliya. Axmed Madoobe waxa uu taageeray isbahaysiga siyaasadeed ee xisbiyada Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kaga dhawaaqeen Muqdisho, iyo baaq uu sheegay in lagu doonayo in shirweyne badbaado qaran la qabto.

https://www.premierbank.so/