https://www.premierbank.so/

Mustafe Cagjar oo ka hadlay Shiidaalka deegaanka iyo Afka-Soomaaliga.

Madaxwaynaha dawlad
deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in xukuumaddiisu
ay ku guulaysatay in dood lix bilood socotay kaddib ay dawladda Federaalka
Itoobiya ku qanciso in uu deegaanka Soomalaidu uu saami boqolkiiba 50 ah ka
helo shidaalka laga soo saaro dhulkiisa.

Madaxweynaha oo ka
hadlayey kulan uu la qaatay masuuliyiinta iyo aqoonyahanka ka qaybgalayey
shirka caalamiga ah ee cimilada oo ka socda magaalada Jigjiga ayaa sheegay in
dawladdiisu ay sida oo kale dadaal adag ugu jirto wax badanna ay ka qabatay soo
celinta sharaftii isirka Soomaaliya, waxa aanu sheegay in dawlad deegaanku ay
xidhiidh fiican la yeelanayso Soomaaliya iyo in ay dawladda Itoobiya ku
qancisay in ay qirto Soomaalinimada deegaanka, arrintaasna uu raysalwasaaraha
Itoobiya qudhiisa oo deegaanka imanayaa sheegi doono.

Madaxweyne Mustafe waxa
uu sheegay in hadda ay ku hawlan yihiin sidii afka Soomaaliga looga dhigi lahaa
af rasmi ah oo shaqo, arrintaas dhaqangelinteeduna meel fiican ay u marayso.

Mudane
Cagjar ayaa sidoo kalena tilmaamay in xukuumadiisu ay dagaal adag ka gashay
xakamaynta iyo dabargoynta musuq-maasuqa, arrintaas oo hore deegaanka u
ragaadisay, dawladihii horena ay lunsatay malaayii doolar oo ku jiray miisaaniyadda
laakiin aan la garanayn meel ay martay.

https://www.premierbank.so/