Xil. Aadan Barre Ducaale: Ma haysto Jinsiyadda Soomaaliya
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa beeniyey warar sheegaya in uu haysto labada jinsiyadood ee Kenya iyo Soomaaliya, arrintaas oo aanu sharciga dalka Kenya u ogolayn masuuliyiinta dalkaas.
Aadan Ducaale oo khamiistii 3-da Oktobar la hadlay warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in aanu weligiiba yeelan jinsiyad dal kale, qorshahana aanay ugu jirin in uu yeesho.
Hadalka Xildhibaan Aadan Ducaale ayaa yimi kaddib markii Komishanka anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee dalka Kenya uu ku dhawaaqay in uu baadhis ku samaynayo wararka sheegaya in masuuliyiin kala duwan oo xilal dadweyne hayaa ay leeyihiin laba jinsiyadood, arrintaas oo burinaysa xeerka hoggaaminta iyo hufnaanta ee dalka Kenya. Guddoomiyaha komishankan oo warbaahinta la hadlayna uu sheegay in masuuliyiinta dembigan lagu helo ay ka qaadi doonaan tallaabooyin ay ka mid tahay in xilka laga qaado.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa faafinta warkan ku eedeeyey dad uu sheegay in ay ka xun yihiin diidmadii uu baarlamaanka dalka Kenya ku hor istaagay ansixinta Mawende Mewinzi oo ah haweenay haysata jinsiyadda Maraykanka oo loo magacaabay danjiraha dalka Kenya u fadhi lahaa Koonfurta Kuuriya. Isaga oo ku dooday in ay xitaa diidday in ay ka tanaasusho jinsiyaddeeda Maraykanka.