https://www.premierbank.so/

40 Dhalinyaro ah oo la iskugu guurinayo Galmudug

Madaxa Xukuumadda dawlad-gobaleedka Galmudug, Shiekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo habeennimadii khamiista 3-da oktoobar khudbadda ka jeedinayay ka dhacay magaalada guri ceel kulan lagu taageerayay nabadeynta dadka deegaanada balanbale iyo guriceel ayaa sheegay in si nabaddu ay u taaba gasho uu isu guurinaayo 20 gabdhood iyo 20 wiil oo ka soo kala jeeda degmooyinka balanbale iyo guri ceel oo muddo badan ay colaadi ka dhaxaysay.

Sheekh Shaakir waxa uu sheegay in dhalinyarada uu u guurinayo ee labada beelood ka soo kala jeeda uu u samayn doono guur-wadareed hal mar wada qabsooma, isla markaana uu dejin doono tuule u gaar ah oo laga yagleelayo deegaanka u dhexeeya Guri ceel iyo Balanbaalle

dadweynihii iyo masuuliyiintii munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa la sheegay in ay si aad ay ugu riyaaqeen fikirkaas sheekh shaakhi, waxa aanay isla goobtii ka ballanqaadeen in ay iyaguna dhankooda ka qaybqaadan doonaan dib u soo celinta nabada Deegaanada Guri Ceel Iyo Balanbale.

https://www.premierbank.so/