Qaar Kamid Bulshada Ku Dhaqan Xaafada Guryo Samo Ee Degmada Maxamuud Haybe Ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Wado Ay Xidheen maamulka Dowlada Hoose islamarkana khasaare gaadhsiisay guryahoodi iyo beerahooda iyagoona ka diriyey in goobahaasi oo biyo fadhisin noqday inay xanuuno ka dilaacay hadii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Maxamuud Maxamed Cali Oo Kamid Ah Odayaasha Xaafada Oo La Hadlay Codka Bariga Afrika Ayaa U Sheegay In Dhibaatada Kaliya Ku Koobantahay Dadka Danyarta Ee Xafadan Degan Oo Roobabkii Kala Danbeyey Waxyaalo U Gaysteen Guryahoodii Iyo Beerahoodii Waxanu Sheegay In Dad Ganacsato Ah Ay Dowlada Hoose Sharci Daro Ku Siisay Inay Dhistaan Oo Ay Xidhaan Wadaadii Biyaha Roobku Marayay Taasina Ay Keenay Inuu Biyihii Guryahoodu Usoo Galaan.
Raxma Adan Ismaacil Oo Kamid Hooyooyinka Ku Nool Xafadan Ayaa Codka Bariga Afrika La Wadagtay Dhibaato Ay Sheegtay Inay Kala Kulanto Wakhtiyada Roobabka Oo Ay Guriga Cuntada Ugu Kariso Caruurteeda Aanay Dibada U Bixi Karin Sababo La Xidhiidh Biyo Xoog Badan Oo Guriga Dibadiisa Tagan Waxan Sheegtay Inay Wakhtiyadaana Inan Awoodin Inay Caruurteedu Iskuulka Aadaan Oo Ka Cabsi Qabto Inuu Waxyeelo Ay Kala Kulmaan Taasi Oo Sheegtay Inay Sabab U Tahay Dariiqii Biyuhu Mari Jireen Oo Laga Xidhay Siday Hadalka Udhigtay
Cabdiraxmaan aadan sheekh maxamuud ayaa isaguna waxa u dhinaciisa sheegay in biyaha meesha fadhiyaan ay noqotay haro wayn islamarkana ay qarka u saartantahay in xanuuno laga qaado wxanu sheegay in arintaasi masuuliyada darada haysta dowlada hoose ay tahay waxanu sheegay in dadkan ay yihiin muwadin cashuur bixiyayaal ah hadana aan cabashadooda la dhagaysan.
Mudane cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha somaliland ka codsaday inuu si degdeg ah u kala diro golaha deeganka caasimada hargeysa oo uu sheegay in dhib mooyee aanay bulshadu dheef ku qabin islamarkana ay muhimtahay in meesha la dhaafiyo si kuwa kale loo keeno sida u hadalka u dhigya.






