Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa dhaliilay waxa uu ugu yeedhay in shakhsiyaad dano gaar ah lihi ay aflagaadeeyaan dawladda Jabbuuti iyaga oo ku marmarsoonaya in ay ilaalinayaan danta Somalilnd.
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase, oo ka tirsan golaha guurtida ayaa sheegay in uu madaxweynaha dalka Jabbuuti raalligelin ka siinayo hadallada ay maalmihii u danbeeyey warbaahinta u mariyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Xildhibaanka oo khamiista 3-da Oktoobar warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka ee Hargeysa ayaa sheegay in aanay jirin dawlad gaar ah oo neceb horumarka Somaliland, balse ay Somaliland ku jirto dadaalkii ay ku jebin lahayd xayndaabka ay beesha caalamku Somaliland ku xidheen.
Xildhibaan Ilkacase waxa uu sheegay in dawladda Jabbuuti ay qayb ka ahayd nabadgeliyada ay Somaoland waqtigan ku naaloonayso, sidaa awgeed ay jabbuuti Somaliland abaalweyn ku leedahay, loona baahan yahay in aanay umadda Somaliland abaal-laawayaal noqon. Sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in aanu isagu aaminsanayn in Jabbuuti laga soo caayo Somaliland, sidaa awgeed ay dawladnimada Somaliland gef ku tahay in Somaliland dhexdeeda laga caayo dalka Jabbuuti. Waxa aanu xisbiyada mucaaradka ah u soo jeediyey in ay ka waantoobaan dhaliilo uu sheegay in aanay sal iyo raad lahayn oo ay warbaahinta u marinayaan dawladaha jaarka la ah Somaliland. sida uu hadalka u dhigay.