Xisbiga Waddani oo Wasaaradda Ciyaaraha ku eedeeyey Musuqmaasuq
Xisbiga Waddani Ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa masuuliyinta Wasaaradda Dhaliyarda Iyo Ciyaaraha Ku eedeyey in ay Musuq-Masuuqeen lacag gaadhaysa nus milyan doolar oo ka mid ah lacagta miisaaniyadda qaranka ugu jirta ee afartii biloodba mar xisaabaadku u sii daayo. Lacagtaas oo uu sheegay in loogu talagalay horumarinta waaaxda ciyaaraha ee wasaaradda, ayaa uu xisbigu masuuliyiinta masuuliyiinta wasaaradda ku eedeeyey in ay ku takri faleen.
Xoghayaha Dhaliyaradda Iyo Ciyaaraha Xisbiga ee Waddani, Mudane Yoonis Axmed Yoonis Oo Khamiista 3-da Oktobar Warbaahint Kula Hadlay Xarunta Xisbiga ayaa Soo Bandhigay dhukumantiyo uu sheegay in ay yihiin caddaymo iyo daraasado kala duwan oo ay ka Samayeen Lacagaha Badan Ee uu sheegay in Ay Lunsadeen Masuuliyinta Wasaaradda Ciyaaruhu.
Mudane Yoonis waxa kale oo uu xusay in afar tartan ciyaareed oo ay wasaaraddu qabatay aanay wax kharash ah ku bixin, balse dhammaantood ay ganacsato iyo dad muwaadiniin ahi maalgeliyeen. Isaga oo intaas ku daray in habacsanaan badani ay ka jirto shaqadii wasaaradda, gaabiska muuqdana ay ka mid tahay in muddo afar sano ah ay awoodi kari la’dahay in ay qabato koobkii ciyaaraha goballada.
Mudane Yoonis waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu si degdeg ah wax uga qabto musuqmaasu uu sheegay in ay ku kacayaan masuuliyiinta wasaaradda ciyaaruhu.