https://www.premierbank.so/

Wasiirka Waxbarashada JSL oo la weydiiyay Musuq & Muranka hadheeyey Wasaaradda

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa beeniyey wararka sheegaya wasaaradda ay ka baxsadeen agasime-waaxeedyo uu hantidhawrka guud ee qaranku dabagal iyo baadhis ku wado. Isaga oo sheegay in aanu haynin wax war ah oo sheegaya in cidi ay wasaaraddiisa ka maqantahay.

Wasiir Cimaan Jaamac Aadan waxa uu qiray in maalmihii u dambeeyey uu hantidhawrku shaqo baadhis ah ka waday wasaaradda qaybo ka mid ah xafiisyadeedana uu quful ku xidhay, kana codsaday in aanay cidi gelin inta ay baadhistu dhammaanayso, dalabkaas oo uu sheegay in masuuliyiinta wasaaradduna ay tixgelisay, kuna dhaqmeen.

Mudane Cismaan oo Khamiista 3-da Oktoobar warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafkii dhowaan soo dhexgalay wasaaradda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, isaga oo beeniyey wararka sheegaya in wasaaraddu ay dugsiyo ka mid ah si gaar ah u bartilmaameedsatay. Isaga oo intaas ku daray in wasaaraddu ay keliya ka shaqaynayso in ay dugsiyada ku hoggaamiso xeerka waxbarashada, sababta khialafka u dhexeeya dugsiyada gaarka loo leeyahayna ay tahay toosinta wasaaradda oo ay ka dhego adaygayaan.

Wasiirka oo ka hadlayey tayada macallimiinta dugsiyada dawladda ayaa sheegay in ay wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay macallimiinta dugsiyada dawladda u furtay jaamacad ay ku kobciyaan aqoontoodda.

https://www.premierbank.so/