https://www.premierbank.so/

Wasiiro lagu eedeeyey hurinta colaadda Sanaag

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka
tirsan golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland ayaa wasiirrada arrimaha
gudaha iyo xannaanada xoolaha ku eedeeyey in ay iyagu hurinayaan colaadda
Cel-afwan oo ay doonayaan in ay fiddo, laakiin aanay awood u lahayn in ay sii
fidiyaan maadaama oo bulshada gobalka Sanaag ay colaaddaas xalkeeda gaadhay.
Sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Qabile waxa uu dhinaca kalena
madaxwaynaha Somaliland u soo jeediyey in uu ka hawlgalo xal ka gaadhida
xaaladaha colaadeed ee ka taagan degmadaasi. Isaga oo madaxweynaha kula taliyey
in aanu ku hallayn wasiirada xukuumadiisa ku jira ee ka soo jeeda deegaankaas
oo uu tusaale u soo qaatay wasiirada arrimaha gudaha iyo xanaanada Xoolaha
Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu
sheegay in maadaama oo laga soo doorto degmada Berbera ee ay wasiirradu
hadalkan ka jeediyeen, in uu bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayo hadaladaas
labada wasiir, isaga oo dhinaca kalana labada wasiir ugu baaqay in ay samaystaan
fagaareyaal ay xisbiyada ka dhaliilaan balse aanay kula soo hoos dhuuman
magaalada Berbera ee gobalka Saaxil.

Xildhibaan Qabile oo Arbacada 2 October
warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu xisbiga mucaaradka
ah ee WADDANI ka difaacay, eedaha ay labada wasiir u soo jeediyeen shirwaynihii
golaha dhexe ee uu xisbigu dabayaaqadii bisha Sabtembar ku qabsaday magaalada
Burco, oo ay labada wasiir salaasadii 1-Oktoobar sheegeen in xisbgu uu
taagersan yahay jabhado ka samaysma dalka.

Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku
tilmaamay in labada wasiir ay xisbiga WADDANI ku tilmaamaan qaran dumis
nabaddda dalka khalkhal galinaya. Waxa aanu sheegay in xisbiga WADDANI uu mar
kasta u taagan yahay nabadgalyada iyo midnimada Somaliland. Sida uu hadalka u
dhigay.

https://www.premierbank.so/