Maxkamadda Ciidanka Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay eedeysane
Maxakamadda ciidamada qalabka sidda ee soomaaliya ayaa arbacada 2-da oktober xukun dil ah ku riday nin lagu magacaabo Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur oo lagu eedeeyey in uu hore u dilay askari ka tirsanaa ciidamada Bilayska Soomaaliya.
Xukunsanaha oo ah dable ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu 22-kii Maarso ee sannadkan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo lagu magacaabi jiray Jamaal Abuukar Jiinow.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor akhriyay qoraal uu sheegay in Garsoorka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ka qoreen eedaysanaha. Kaas oo uu eedaysanuhu sheegaya in uu falkan geystay isla markaana uu marxuumka dhintay ka qaaday taleefankiisii gacanta. Waxa kale oo uu qiraalkaasi sheegayaa in eedaysanuhu uu sida oo kale xilliyo kala duwan falal budhcadnimo ah ka geystay degmada Waabari.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in maxkamaddu ay eedaysanaha ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta dilka uu geystay. Isaga oo intaas ku daray in eedaysanuhu uu. 30 maalmood gudahood racfaan kaga qaadan karo xukunkan.






