https://www.premierbank.so/

Maxkamadda Ciidanka Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay eedeysane

Maxakamadda
ciidamada qalabka sidda ee soomaaliya ayaa arbacada 2-da oktober xukun dil ah
ku riday nin lagu magacaabo Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur oo lagu eedeeyey in
uu hore u dilay askari ka tirsanaa ciidamada Bilayska Soomaaliya.

Xukunsanaha oo ah
dable ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu
22-kii Maarso ee sannadkan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay
askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo lagu magacaabi jiray Jamaal Abuukar
Jiinow.

Laba Xidigle
Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada
Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor akhriyay qoraal uu sheegay in Garsoorka
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ka qoreen eedaysanaha. Kaas oo uu
eedaysanuhu sheegaya in uu falkan geystay isla markaana uu marxuumka dhintay ka
qaaday taleefankiisii gacanta. Waxa kale oo uu qiraalkaasi sheegayaa in
eedaysanuhu uu sida oo kale xilliyo kala duwan falal budhcadnimo ah ka geystay degmada Waabari.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka
sida ayaa sheegay in maxkamaddu ay eedaysanaha ku xukuntay dil toogasha ah oo
ah qisaasta dilka uu geystay. Isaga oo intaas ku daray in eedaysanuhu uu. 30
maalmood gudahood racfaan kaga qaadan karo xukunkan.

https://www.premierbank.so/