https://www.premierbank.so/

Maamulka Jigjiga oo qabtay hub laga keenay Somaliland

Dawladda deegaanka Soomaalida ayaa gacanta
ku dhigtay rasaad aad u tiro badan oo ay sheegtay in laga gudbiyey xuduudka
Somaliland la leedahay dalka Itoobiya.

Ciidamada gaarka ah ee dawladda deegaanka
Soomaalida ayaa sheegay in ay deegaanka Gogti oo ka tirsan gobalka Faafan ay ku
qabteen laba gaadhi oo siday 14 kun, 4 boqol iyo 48 xabbo oo ah rasaasta qoriga
AK-47 ka loo yaqaanno. Rasaastaas oo ay sheegeen in si qarsoodi ah loo
gelinayey magaalada Diridhaba. Ciidamadu waxa ay intaas ku dareen in ay gacanta
ku hayaan ninkii lahaa rasaastaas, darawalladii labada gaadhi waday iyo ciddii
rasaasta loo waday oo aanay magacaabin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada gaarka ah ee
dawlad deegaanka, oo ka mid ahaa ciidamadii gacanta ku dhigay rasaastaas ayaa
sheegay in labada gaadhi ee rasaasta siday ay ka soo gudbeen magaalada
Tog-Wajaale ee xuduudda Jamhuuriyadda Somaliland.

Saaakiishan oo la hadlay Telefeeshinka
dawlad deegaanka Somaalida ayaa intaas, ku daray in kaantaaroollada dawlad
deegaanka oo si adag loogu baadho gaadiidka gelaya in ay marar badan kula
kulmeen dhacdooyin lagu doonayay in lagu khalkhal galiyo amniga. Sida ay
hadalka u dhigeen. Waxa aanay ballanqaadeen in sharciga la horgeyn doono cid
kasta oo iskudayda arrimaha noocaas ah.

Saraakiisha ciidamadu waxa ay
bulshada ugu baaqeen inay la shaqeeyaan kuna soo wargeliyaan wax kaste oo
khatar ku ah amniga, iyaga oo dhinacoodana ballanqaaday inay siilabanlaabi
doonaan xoojinta amaanka xuduudaha deegaanka.

https://www.premierbank.so/