https://www.premierbank.so/

Maamulka Jigjiga oo qabtay hub laga keenay Somaliland

Dawladda deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigtay rasaad aad u tiro badan oo ay sheegtay in laga gudbiyey xuduudka Somaliland la leedahay dalka Itoobiya.

Ciidamada gaarka ah ee dawladda deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay deegaanka Gogti oo ka tirsan gobalka Faafan ay ku qabteen laba gaadhi oo siday 14 kun, 4 boqol iyo 48 xabbo oo ah rasaasta qoriga AK-47 ka loo yaqaanno. Rasaastaas oo ay sheegeen in si qarsoodi ah loo gelinayey magaalada Diridhaba. Ciidamadu waxa ay intaas ku dareen in ay gacanta ku hayaan ninkii lahaa rasaastaas, darawalladii labada gaadhi waday iyo ciddii rasaasta loo waday oo aanay magacaabin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dawlad deegaanka, oo ka mid ahaa ciidamadii gacanta ku dhigay rasaastaas ayaa sheegay in labada gaadhi ee rasaasta siday ay ka soo gudbeen magaalada Tog-Wajaale ee xuduudda Jamhuuriyadda Somaliland.

Saaakiishan oo la hadlay Telefeeshinka dawlad deegaanka Somaalida ayaa intaas, ku daray in kaantaaroollada dawlad deegaanka oo si adag loogu baadho gaadiidka gelaya in ay marar badan kula kulmeen dhacdooyin lagu doonayay in lagu khalkhal galiyo amniga. Sida ay hadalka u dhigeen. Waxa aanay ballanqaadeen in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo iskudayda arrimaha noocaas ah.

Saraakiisha ciidamadu waxa ay bulshada ugu baaqeen inay la shaqeeyaan kuna soo wargeliyaan wax kaste oo khatar ku ah amniga, iyaga oo dhinacoodana ballanqaaday inay siilabanlaabi doonaan xoojinta amaanka xuduudaha deegaanka.