https://www.premierbank.so/

Xasan Gaafaadhi: Shirkii WADDANI waxaa kasoo baxay Hadalo Lafjab ah

Wasiirka xanaanadda
xoolaha iyo horumarinta kalluunka ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xasan
Gaafaadhi ayaa hadallo ay madaxda xisbiga WADDANI ka jeediyeen shirkoodii
golaha dhexe ee magaalada Burco waxa uu ku tilmaamay kuwo abuurayey lafjab ku
ah bulshada, isla markaana abuuraya kala qaybinta dadka.

Wasiir Gaafaadhi oo
salaasada 1-da Oktoobar khudbad ka jeediyey munaasabad lagu maamuusayey xuska
24 guurada aasaaska ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa sheegay in
hadallada masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay jeediyeen ay ahaayeen kuwo
hagardaamo ku ah qarannimada Somaliland isla markaana muujinaya calool xumo iyo
niyadxumo. Sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku
waxa uu sheegay in inkasta oo uu hal-ku-dhegga shirka golaha dhexe ee WADDANI
uu ahaa ‘ Dal mid ah iyo dad mid ah’ haddana in xaqiiqadiisu ay ahayd in uu
ahaa qodax bulshada lagu abuurayey, isaga oo intaas ku daray in uu aad uga
naxay in wax yididiilo ah oo shirkaas ku jiray aanay muuqan.

https://www.premierbank.so/