Xasan Gaafaadhi: Shirkii WADDANI waxaa kasoo baxay Hadalo Lafjab ah
Wasiirka xanaanadda xoolaha iyo horumarinta kalluunka ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xasan Gaafaadhi ayaa hadallo ay madaxda xisbiga WADDANI ka jeediyeen shirkoodii golaha dhexe ee magaalada Burco waxa uu ku tilmaamay kuwo abuurayey lafjab ku ah bulshada, isla markaana abuuraya kala qaybinta dadka.
Wasiir Gaafaadhi oo salaasada 1-da Oktoobar khudbad ka jeediyey munaasabad lagu maamuusayey xuska 24 guurada aasaaska ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa sheegay in hadallada masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay jeediyeen ay ahaayeen kuwo hagardaamo ku ah qarannimada Somaliland isla markaana muujinaya calool xumo iyo niyadxumo. Sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirku waxa uu sheegay in inkasta oo uu hal-ku-dhegga shirka golaha dhexe ee WADDANI uu ahaa ‘ Dal mid ah iyo dad mid ah’ haddana in xaqiiqadiisu ay ahayd in uu ahaa qodax bulshada lagu abuurayey, isaga oo intaas ku daray in uu aad uga naxay in wax yididiilo ah oo shirkaas ku jiray aanay muuqan.






