Dalka Turkiga oo noqday kaalinta 1aad ee Deeq-bixinta aduunka
Dalka Turkiga ayaa mar labaad loo aqoonsaday in uu yahay dalka ugu deeqsisan adduunka, marka la eego caawimada bani’aadamnimo ee ay dalalka dunidu qaadhaanka u bixiyaan. Isaga oo sannadkii 2018 ka oo keliya deeq caawimo bani’aadamnimo ah u bixiyey lacag dhan 8.4 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, halka uu sannadkii kaas ka horreeyey ee 2017 kiina bixiyey deeq dhan 8.1 Bilyan oo doolar.
Hay’adda caalamiga ah ee hindiseyaasha horumarinta oo diiradda saarta kaalin ka qaadashada dadaallada dabargoynta saboolnimada iyo xaqiijinta horumarka adduunka ayaa warbixinteedii u dambaysay ku sheegtay in sannadkii 2018 kii, caawimadii adduunka oo dhan lagu qaybiyey boqolkiiba 29 ka mid ahi ay ahayd deeq uu bixiyey dalka Turkiga oo keliyi, waxa aanu sidaas kaga kormaray dalka Maraykanka oo bixiyey 6.68 bilyan oo doolar, Jarmalka oo bixiyey 2.98 Bilyan oo doolar iyo dalka Ingiriiska oo bixiyey 2.52 bilyan oo doolar.
Dalka Turkiga ayaa sannadihii 2013 kii iyo 2014 kii kaalinta saddexaad kaga jiray deeqbixiyeyaasha adduunka, laakiin sannadkii 2015 kii iyo 2016 kii ayaa ay uu u soo booday kaalinta labaad, isaga oo labadii sano ee u dambeeyeyna noqday dalka kaalinta koowaad kaga jira gacan ka geysashada gargaarka bani’aadamnimo ee adduunka oo dhan ka socda.
Meelaha ugu badan ee uu turkigu ku bixiyo caawimadaas ayaa ay warbixintu ku sheegtay dalalka Suuriya, Yemen, Koonfurta suudaan, Ciraaq iyo Soomaaliya.
Sida oo kale Dalka Turkiga oo ay joogaan 4 milyan oo dad qaxoontiya ah ayaa noqday dalka qaxoontiga ugu badan adduunka martigeliyey. Qaxoontigaas ayaa sida lagu ogaaday tirakoob bishii ina dhaaftay ee Sabtembar la sameeyey, waxaa ka mid ah 3.66 milyan oo qaxoonti Suuriya u dhashay ah.
Warbixintu waxa ay sheegtay muddadii uu talada Turkiga hayey xisbiga cadaaladda iyo horumarka ee AK Party oo uu madaxweyne Erdogaan hoggaamiyo, in ay si weyn kor ugu kacday gacanta uu dalku ka geysanayo dadaallada adduunka ka socda ee caawimada bani’aadamnimo. Taas ayaana sabab u noqotay in dalku uu martigeliyo shir madaxeed gargaarka bani’aadamnimo ee adduunka, oo ahaa kii noociisa ugu horreeyey ee ay qaramada midoobey u qabatay isku duwidda dadaallada gargaarka bani’aadamnimada.
Hay’adda TIKE ee dawladda Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda ayaa hoggaamisa caawimada bani’aadamnimo ee uu dalkaasi dunida ugu deeqo, waxa aanay si aad ah uga shaqaysaa bariga dhexe, Koonfurta Maraykanka, iyo Afrika oo ay ka fuliso mashaariic isugu jira gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah, dhismaha cisbitaallada, xarumaha waxbarashada iyo mashaariic kale oo kaalin ka qaata horumarka. Bisha cas ee dalka Turkiga oo iyaduna ka mid ah meelaha uu Turkigu adduunka u mariyo gargaarka ayaa sannadkii 2018 ka oo keliya gargaar bani’aadamnimo gaadhsiisay 23 Milyan oo ah dad caawimo u baahan oo daafaha adduunka ku nool.






