https://www.premierbank.so/

Ganacsatada Somaliland oo ka baxay Shir Ganacsi oo ka dhacayay Turkiga

Ganacstada waawayn ee Somaliland iyo guddiga rugta ganacsiga Somaliland ayaa ka dareeray shir ay kaga qaybgaleen caasimada dalka Turkiga ee Ankara, oo ay marka hore hay’ado laga leeyahay dalka Turkiga iyo wasaaradda ganacsiga ee dalkaas Somaliland ku soo martiqaadeen.

Ganacsatadan oo ka badan 20 ganacsade ayaa sheegay in markii shirkan lagu soo martiqaadayay loogu sheegay shirwayne ganacsi oo ay kasoo qayb galayaan shirkado iyo ganacsato ka socda in ka badan 42 dawladood oo Afrikaan ahi, balse markii ay dalkaasi gaadheen ay ka war heleen xaqiiqda shirkaasi oo ahayd mid ka duwan tii loogu sheegay.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland mudane Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa sheegay in shirkaasi oo markii hore logu sheegay mid ka reeban siyaasadda ay markii ay halkaasi gaadheen kula kulmeen wasiiro iyo madax ka socota dawladda fadaraalka ah ee Somaliya oo shirkaas ka qaybgalaysa, sidoo kalena aanay kasoo qayb galin dawladihii afrikaanka ahaa ee loogu sheegay in ay imanayaan, isaga oo intaas ku daray in wejigii shirkaasi uu gebi ahaanba isu beddelay mid siyaasadeed.

Gudoomiyaha ganacsatada Somaliland ayaa sidoo kalana sheegay in la tashi ay la sameeyeen wasiirka ganacsiga Somaliland ay isku afgarteen in shirkaasi uu yahay mid aan u qalmin meeqaamkii dawladnimo ee Somaliland iyo tii ganacsatoba, taasina ay sababtay in ay shirkaad dibadda ka joogaan.

Mudane Jamaal Caydiid Ibraahin waxa uu intaasi ku daray in waftigan ganacsatada ah ee ka socotay Somaliland uu midkastaa hawlihiisa u gaarka ah ka qabsan doono dalka Turkiga, iyada oo aanay marnabana surogal noqon doonin in ay shirkaas ka qaybgalaan. Sida uu hadalka u dhigay