Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda AMISOM iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo UNSOS, ayaa lagaga hadlay samaynta qorshe-hawleed dhammaystiran oo lagu hago hawlaha AMISOM ee muddada u dhexeysa 2019 ka illaa 2021 ka, iyo qorshihii hawlgeed ee muddada kala guurka.
War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in shirkan sida oo kale diiradda lagu saaray waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in la dhammaystiro muddada kala guurka, ee ka horreysa waqtiga la filayo in AMISOM ay Soomaaliya ku wareejiso ammaanka sannadka 2021-ka.
Shirkan Waxaa goob Joog Ka Ahaa Saraakiil Ka Socotay Xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa, Wakiilo Ka Kala Socda Dalalka Ciidamadu ka joogaan Sooomaaliya, Saraakiisha Sare ee qaybaha kala duwan ee ciidamada AMISOM iyo bulshada rayidka ah.
Ergeyga Midowga Afrika ee Faransisko Mandeera oo sida oo kale ah madaxa hawlgalka AMISOM ayaa shirka ka sheegay muhiimadda uu leeyahay waqtiga uu ku soo beegmay oo ah xilli ay si joogto ah u socdaan hawlgallo muhiim ah oo ay ciidamada AMISOM ku qadayaan ururka Alshabaab.
madaxa xafiiska taageerada soomaaliya ee Qaramada Midoobay Liisa Filobeto oo ka hadashay kulan ayaa dhankeeda waxa ay amaantay dooorka ay amisom ka ciyaartay xasilinta soomaaliya