Xisbiga UCID oo ka deyriyey qabsoomidda Doorashada Somaliland
Xisbiga UCID ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba suurtagal ahayn in doorashada wakiilada iyo deegaanku ay ku qabsoonto wakhtigii loo asteeyey ee ahaa dabayaqaada sanadkan 2019, sababo la xidhiidha caqabadihii horyaalay oo aan wali xal laga gaadhin awgeed.
Gudoomiyaha golaha dhexe ee UCID mudane Jiir Cali Madoobe ayaa sheegay in ay haboon tahay in markale la sameeyo muddo kordhin, si aanu mar kale u lumin waqtiga qabsoomidda doorashooyinku, iyada oo muddadaas la cayimana lagu dhammaystirayo caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinka. Sida uu hadalka u dhigay.
Dhinkaca kalana Gudoomiyaha golaha dhexe ee UCID oo Isniinta 30-ka September la hadlay talefishankan CODKA BARIGA AFRIKA waxa uu sheegay in waqtigan aanay suurtagal ahayn in laga hadlo qaddiyada saami qaybsiga oo ah caqabadda koowaad ee imika hortaagan qabsoomida doorashada. Waxa aanu dhaliilay siyaasiyiin aanu magacaabin oo uu sheegay in ay ku hoos dhuumanayaan arrinta Saami qaybsiga, oo uu sheegay in ay ku habboon tahay in laga hadlo qabsoomidda doorashada wakiillada iyo deegaanka kaddib.
Mudane Jiir ayaa intaasi ku daray in qaadiyadan Saami qaybsiga ay hore saddexda xisbi qaran ugu gudbiyeen maxkamada sare ee Somaliland, sidaa awgeed ay haboontahay in arrinkaasi ay maxkamaddu doorashooyinka kaddib wax ka qabato. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo dib u dhaca doorashooyinkana masuuliyaddeeda saaray xukuumadda. Dhinaca kalana, Gudoomiye Jiir Cali Madoobe waxa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in ay ku fashilantyay xallinta colaadda soo noqnoqotay ee Ceel-afwayn, arrintaas oo uu sheegay in ay xisbiga UCID aad u damqayso, waxaanu madaxdhaqameedka labadaasi beelod u soo jeediye in ay si dhakhso ah uga hawlgalaan soo afjarida colaadaasi soo noqnoqtay ee u dhaxaysa labada beelood ee ood wadaagta ku ah Ceel-afwayn iyo deegaanada hoos yimaadda