Weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ayaa barqanimadii Isniinta 30 Sabtembar lagu qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka eek u yaalla garoonka Balli-doogle ee gobalka Shabeelaha hoose.
Wararka uu CODKA BARIGA AFRIKA ka helayo deegaankaas ayaa sheegaya in marka hore gaadiid laga buuxiyey walxaha qarxa lagu weeraray saldhiggaas, kaddibna uu dagaal fool-ka-fool ahi dhex maray ciidamada Maraykanka oo garab ka helaya kuwa dawladda ee ku sugan xeradaas iyo kooxdii weerarka soo qaadday.
Dhawaqa Rasaasta Culus oo Ay Is Weydaaarsanyaan Labada Dhinac Ayaa la sheegay in Laga Maqlayey deegaannada ka agdhow garoonka laakiin lama oga khasaaraha runta ah ee dhinacyada dagaalamay ka soo gaadhay weerarkaas. Inkasta oo war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya lagu xaqiijiyey in xubno ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen xerada ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibbada Maraykanka ee Bali-doogle, sida qoraalka loo dhigay, iyaga oo intaas ku daray in weerarkaas ay iska difaaceen.
Warka ciidamada xoogga dalka ka soo baxay ayaa sida oo kale sheegay in in ciidamadu ay ka hortageen, isla markaana toogteen xubno Alshabaab ka tirsan oo doonayey in ay galaan gudaha xerada.
Warbaahinta internet ka ee faafisa wararka Alshabaab ayaa iyadana lagu sheegay in masuuliyadda weerarkaas uu lahaa ururka Alshabaab, waxa aanay sheegteen in khasaare badan ay gaadhsiiyeen ciidamada Maraykanka iyo Soomaalida eek u sugan saldhigga ay weerareen.






