https://www.premierbank.so/

Weerar lagu qaaday Saldhigga Maraykanka ee Ballidoogle

Weerar xooggan oo ku
bilowday qaraxyo ayaa barqanimadii Isniinta 30 Sabtembar lagu qaaday saldhigga
ciidamada Maraykanka eek u yaalla garoonka Balli-doogle ee gobalka Shabeelaha
hoose.

Wararka uu CODKA BARIGA
AFRIKA ka helayo deegaankaas ayaa sheegaya in marka hore gaadiid laga buuxiyey
walxaha qarxa lagu weeraray saldhiggaas, kaddibna uu dagaal fool-ka-fool ahi
dhex maray ciidamada Maraykanka oo garab ka helaya kuwa dawladda ee ku sugan
xeradaas iyo kooxdii weerarka soo qaadday.

Dhawaqa Rasaasta Culus oo
Ay Is Weydaaarsanyaan Labada Dhinac Ayaa la sheegay in Laga Maqlayey
deegaannada ka agdhow garoonka laakiin lama oga khasaaraha runta ah ee
dhinacyada dagaalamay ka soo gaadhay weerarkaas. Inkasta oo war qoraal ah oo ka
soo baxay taliska ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya lagu xaqiijiyey in xubno
ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen xerada ciidanka xoogga dalka iyo
saaxiibbada Maraykanka ee Bali-doogle, sida qoraalka loo dhigay, iyaga oo
intaas ku daray in weerarkaas ay iska difaaceen.

Warka ciidamada xoogga
dalka ka soo baxay ayaa sida oo kale sheegay in in ciidamadu ay ka hortageen,
isla markaana toogteen xubno Alshabaab ka tirsan oo doonayey in ay galaan
gudaha xerada.

Warbaahinta
internet ka ee faafisa wararka Alshabaab ayaa iyadana lagu sheegay in
masuuliyadda weerarkaas uu lahaa ururka Alshabaab, waxa aanay sheegteen in
khasaare badan ay gaadhsiiyeen ciidamada Maraykanka iyo Soomaalida eek u sugan
saldhigga ay weerareen.

https://www.premierbank.so/