https://www.premierbank.so/

Farmaajo oo kusoo noqday Xamar

Agaasimaha Warfaafinta
Iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa
Sheegay In Wafdigii madaxweyne Farmaajo uu hoggaaminayey ee ka qaybgalay shirka
golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey uu Caalamka La Wadaageen xaaladda
dalka iyo himilada shacbka ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib
u dhiska. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intaas ku daray in waftiga
Soomaaliya uu dunida u bandhigay mabaadii’da dawladda iyo aragtida shacabka
Soomaaliya eek u aaddan arrimaha gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhinkaca kalana waxa uu
agaasimuhu ka hadlay muhiimadda diblumaasiyadeed ee ay leedahay dhismaha
safaaradda Washinton ee ay dawladda Soomaaliya hirgelisay, isaga oo ku
tilmaamay tallaabo cusub oo loo qaaday dhinaca horumarka.

Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa
Isniinta 30 ka September dib ugu laabtay magaalada muqdisho, kaddib markii uu
magaalada new york ee dalka mareykanka kaga soo qayb-galay meertada 74-naad ee
golaha guud ee qaramada midoobay.

Madaxweynaha
ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shirar lagaga hadlayey
arrimaha Soomaaliya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa
dalalka caalamka.

https://www.premierbank.so/