https://www.premierbank.so/

Bilayska Jigjiga oo xidhay 480 dhalinyaro ah

Ciidamada ammaanka ee
dawladda deegaanka Soomalida ayaa hawlgallo ay maalmihii u danbeeyey ka wadeen
magaalada Jigjiga, waxa ay ku soo qabqabteen 480 dhalinyaro ah oo lala
xidhiidhinayo in ay ka tirsanaayeen kooxo dhalinyaro ah oo khalkhal galin amni
ka waday magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida.

Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada
dawlad deegaanka Soomaalida oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in
dhalinyaradan laga soo qabtay xaafado ka mid ah caasimada deegaanka Soomaalida
ee Jigjiga, halkaas oo ay wakhtiyada habeenkii ka gaysan jireen falal
budhcadnimo iyo amni darro iskugu jiray.

Madaxa ka hortaga dambiyada
ee ciidanka Bilayska dawladda deegaanka Soomaalida Gaashanle Sare Deeq carab
Ibraahim ayaa sheegay in dhalinyaradan gacanta lagu dhigay ay u badan yihiin
kuwo ay hay’adaha ammaanku wakhtiyo hore, sidan oo kale ugu soo qabteen dembiyo
kooxaysi ah, laakiin markii la sii daayey aanay ka waantoobin ee ay faraha kula
sii jireen fal dambiyeedyadii hore loogu xidhay.

Gaashanle Sare Deeq Carab Ibraahim waxa uu sheegay in ay baadhitaano qoto dheer ku samaynayaan dembiyadan, sida oo kalana ay ciidamada ammaanku sii wadi doonaan hawlgalkooda ka dhan ah dhalinyarada kooxaysiga sameeya.

Hawlgalkan
ay ciidamadu ku qabqabteen dhalinyaradan ayaa yimi kaddib kulan todobaadkii
hore ay guddigu nabdgaliyada iyo cadaaladda dawlad deegaanku ka soo saareen go’aamo
ku aaddan xaalado nabadgelyada wax u dhimaya oo ku soo kordhay caasimadda,
kuwaas oo ay ka mid yihiin dhalinyarada is kooxaysata.

https://www.premierbank.so/