Madaxweyne Erdogan ayaa diiday la fadhiisiga Madaxweyne Al-Sisi
Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka qaybglayey qado sharafeed ay Qaramada midoobey u samaysay madaxda adduunka, ayaa diiday in uu miis la fadhiisto madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax A-Siisi, oo uu u arko keli taliye afgembiyey dawlad sharci ah, isla markaana sabab u ahaa dhimashada madaxweynihii abid si dimuqraaddi ah dalkaas loogu soo doortay, mudane Maxamed Mursi.
Wargeyska Xurriyeet ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa sabtidii 28-ka Sabtembar ku warramay in qorshuhu uu ahaa in madaxweyne Erdogaan uu miis la fadhiisto madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, laakiin markii uu qolka soo galay uu isha ku dhuftay madaxweynaha dalka Masar oo isaguna miiska Trump ku soo biiray, taas oo sababtay in uu diido in uu la fadhiisto, isla markaana bannaanka uga baxay qolka.
Isla miiskan waxaa sida oo kale ku cunteeyey xoghayaha guud ee jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa Antooniyo Gutarees, raysalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel iyo madaxweynaha dalka Poland Anderzej Duda.
Erdogaan ayaa khudbaddii uu ka jeediyey golaha qaramada Midoobey waxa uu si aad ah u dhaliilay madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax A-Siisi oo uu ku eedeeyey afgembigii uu sannadkii 2013 kii kula kacay xukuumaddii la soo doortay ee Mursi iyo dhimashadii Mursi. Isaga oo qaramada Midoobey u soo jeediyey in baadhis madaxbannaan lagu sameeyo sababta dhimashadii kediska ahayd ee Maxamed Mursi.






