https://www.premierbank.so/

Ugaas C/Risaaq oo dhaliilay Madaxda Somaliland ee ka qaybgala Xafladaha Ardayda

Mid ka mid ah odayaasha
dhaqanka ee Somaliland ayaa dhaliilay masuuliyiinta dawladda iyo xisbiyada
mucaaradka, siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka oo uu sheegay in ay caadaysteen
in munaasabadaha qalinjebinta ardayda iyo jaamacadaha ay ka jeediyaan hadallo
siyaasadeed xanaf leh oo ay isku weerarayaan. Arrintaas oo uu ku tilmaamay wax
aan loo dulqaadan karin ayuu sheegay in ay dhaawacayso damiirka da’yarta dalka
wax u soo bartay.

Ugaas Cabdirisaaq oo khamiista
26-ka Sabtembar CODKA BARIGA AFRIKA la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiintani
marka ay munaasabadaha noocan ah ka qaybgalaan doorka keliya ee u furani uu
yahay in ay ardayda dhiirrigeliyaan, kuna baraarujiyaan higsigooda mustaqbalka,
isaga oo uga digay in aanay naxli iyo qabyaalad ku abuurin  dhalinyarta dalka. Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinkaca kalana Ugaasku
waxa uu xukuumaddii madaxweyen Axmed Siilaanyo ku eedeeyey masuuliyadda
wareejintii hawada Soomaaliya ee maamulkeeda loo dhiibay dawladda Soomaaliya.
Isaga oo intaas ku daray in xukuumaddii Siilaanyo ay sidaas oo kale u
wareejisay baddii iyo hantidii ay umaddu lahayd. Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca Kalana Ugaasku waxa uu Madaxweyne Muuse
Biixi Ugu Baaqay Inuu Sharcigu Sareeyo, oo isaga oo aan cidna ka habranayn uu
farta ku fiiqo dadka Nabadgalyo Darada Abuuraya Ama Duulimaad Ku Ah Qaranka
Somaliland, oo ay tahay in uu sharciga hor keeno.

https://www.premierbank.so/