https://www.premierbank.so/

Wasiir Warfaa oo la kulmay Raysal-Wasaaraha Soomaaliya

Raysalwasaare Dalka Qatar, Ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Abdullah Bin Nasser Bin Khalifa Al Thani Ayaa Xafiiskiisa Doxa Ku Qaabbilay Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa Oo Booqasho Ku Jooga Dalkaasi.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONA ayaa ku warramaysa in Raysalwasaare Abdullah Bin Nasser Iyo Wasiir Sadiiq Warfaa Ayaa ay wararku sheegayaan in ay ka wadahadleen Xidhiidhka labada dal iyo siyaabaha loo sii xoojin karo. Waxa kale oo ay labada masuul ka wada hadleen Sidii Ay Dowladda Qatar u ballaadhin lahayd kootada Soomaaliya ee shaqaalaha ay dibedda ka keensato dowladda Qatar, si fursado shaqo oo dibadda ah loogu helo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Soomaaliya waxa uu raysalwasaare ku xigeenka Qatar kala hadlay dib u hawlgelinta maxadka horumarinta iyo maaraynta Soomaaliya ee SIDAM, iyo sida oo kale sidii ay labada dal u sii ambaqaadi lahaayeen heshiis ay sannadkii 1983 kii galeen oo la xidhiidhay iskaashi shaqowadaag iyo horumarinta bulshada ah oo yeeshaan.