https://www.premierbank.so/

Qarax sigay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya

Qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cali Nuur Shuute iyo saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida oo la socotay ayaa la sheegay in ay ka yimaaddeen saldhig ciidanka dawladdu uu ku leeyahay deegaanka Ceel Saliini ee duleedka Marka, halkaas oo ay dhowaan weerar khasaare geystay k uqaadeen xoogagga Alshabaab.

Wararka uu CODKA BARIGA AFRIKA helayo ayaa sheegaya in guddoomiyaha maxkamaddu uu ka badbaaday qaraxaas oo aanay waxba ka soo gaadhin, laakiin weli lama hayo warar sugan oo xaqiijinaya inta uu le’egyahay khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa iyo in ay jiraan dad ku waxyeelloobay.

Dhinkaca kalana qarax labaad oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay ayaa subaxnimadii arbacada 25-ka Sebtamber ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Wararka ka soo baxaya qaraxaas ayaa sheegaya in uu ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda,  oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan ciidanka oo markaas marayey jidka.

Goobjoogayaal Ayaa Tvga Codka Bariga Afrika U Sheegay In Qaraxaas Ay Ku Geeriyoodeen Saddex Askari Oo Saarnaa Gaadhiga Qaraxa Lagu Weeraray, Halka Laba Qof Oo Shacab Goobta Ka Dhowaa ahina Ay Ku Dhaawacmeen.