Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Gorgorka dilaaga ah
Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay gorgorka dad cunka ah ee maalmihii u danbeeyey weerarka ku hayey carruurta kala duwan ee deegaannada hawdka ee xuduudka Itoobiya iyo Somaliland.
Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa sheegtay in shimbirkan oo qoyska Gorgorka ahi uu yahay nooc ku cusub dhulka Soomaalida, lana filayo in uu ka soo doolay dalka Itoobiya iyo dalalka kale ee bariga Afrika.
Wasiirka wasaaradda deegaanka oo Arbacada 25 September warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in wasaarada deegaanka Somaliland oo kaashanaysa dawladda Itoobiya iyo khubarada ku xeeldheer deegaanka iyo shimburuhu ay bilowday cilmibaadhis ay ku samaynayso shirmbirkan dad cunka ah iyo daraasad ay ku aqoonsanayso.
Wasiirkka ayaa Intaasi ku dartay in sababaha uu shimbirkani dadka u cunayo ay la xidhiidhi karto isbeddelka ku yimi cimilada aduunka, islamarkaana ay waayen wax ay cunaan iyo geed ay hadhsadaan, waxa aanay bulshada deegaanadaas laga soo sheegayo shimbirka ugu baaqday inay feejignaadaan, isuna diyaariyaan in ay iska difaacaan. Iyaga oo si gaar ahna uga ilaalinaya caruurta yaryar.
Dhinaca kalena wasiir Shukri Xaaji Baandare waxa ay xaqiijisay jiritaanka warbixin lagu sheegay in Somaliland sanadkiiba laga tahriibiyo in ka badan 300 oo Harimacad ah, waxa aanay xustay in xeebaha Somaliland si dhuumasho ah looga tahriibiyo, kuwo badan oo la tahriibinayayna ay ka wasaarad ahaan gacanta ku dhigaan.
Waxa se ay beenisay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay si qarsoodi ah ugu lug leeyihiin dhoofinta Harimacadka.
CBATV & Wasiir Shukri






