https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Gorgorka dilaaga ah

Xukuumadda Somaliland
ayaa markii ugu horeysay ka hadashay gorgorka dad cunka ah ee maalmihii u
danbeeyey weerarka ku hayey carruurta kala duwan ee deegaannada hawdka ee
xuduudka Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiirka wasaaradda
deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa sheegtay in
shimbirkan oo qoyska Gorgorka ahi uu yahay nooc ku cusub dhulka Soomaalida, lana
filayo in uu ka soo doolay dalka Itoobiya iyo dalalka kale ee bariga Afrika.

Wasiirka wasaaradda
deegaanka oo Arbacada 25 September warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa
ayaa sheegtay in wasaarada deegaanka Somaliland oo kaashanaysa dawladda
Itoobiya iyo khubarada ku xeeldheer deegaanka iyo shimburuhu ay bilowday
cilmibaadhis ay ku samaynayso shirmbirkan dad cunka ah iyo daraasad ay ku
aqoonsanayso.

Wasiirkka ayaa Intaasi
ku dartay in sababaha uu shimbirkani dadka u cunayo ay la xidhiidhi karto isbeddelka
ku yimi cimilada aduunka, islamarkaana ay waayen wax ay cunaan iyo geed ay
hadhsadaan, waxa aanay bulshada deegaanadaas laga soo sheegayo shimbirka ugu
baaqday inay feejignaadaan, isuna diyaariyaan in ay iska difaacaan. Iyaga oo si
gaar ahna uga ilaalinaya caruurta yaryar.

Dhinaca kalena wasiir
Shukri Xaaji Baandare waxa ay xaqiijisay jiritaanka warbixin lagu sheegay in
Somaliland sanadkiiba laga tahriibiyo in ka badan 300 oo Harimacad ah, waxa aanay
xustay in  xeebaha Somaliland si
dhuumasho ah looga tahriibiyo, kuwo badan oo la tahriibinayayna ay ka wasaarad
ahaan gacanta ku dhigaan.

Waxa se ay beenisay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay si qarsoodi ah ugu lug leeyihiin  dhoofinta Harimacadka.

CBATV & Wasiir Shukri

https://www.premierbank.so/