https://www.premierbank.so/

Qaylo-dhaanta heer-kulka sii kordhaya ee aduunka. WMO

Hay’adda caalamiga ah ee la socoshada cimilada ayaa shaaca
ka qaadday in sannadihii 2015 illaa 2019 ku ay ahaayeen shantii sano ee uu
heerkulka adduunku ugu sarreeyey abid.

Hay’adda la socoshada cimilada ee WMO oo ka tirsan qaramada
midoobey, ayaa warbixinta kor u kaca heer-kulka adduunka oo ay soo saartay
axaddii 22 ka Sabtembar waxa ay ku sheegtay in shantaas sano uu heerkulka
adduunku kor u kacay boqolkiiba 0.2 darajo, marka la barbardhigo shantii sano
ee ka horreeyey oo u dhexeeyey 2011 kii illaa 2015 kii.

WMO ayaa qaylo dhaantan ku soo beegtay saacado ka hor
bilowga shir caalamiya oo ay dunidu xarunta qaramada midoobey ee New York kaga
arrinsanayso isbeddelka cimilada adduunka.

Shirka caalamiga ah ee cimilada adduunka oo isaguna
qabsoomaya ka hor inta aanu bilaabmin shirka guud ee jimciyadda quruumaha ka
dhexeysa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiiska, waxa se
aan liiska madaxda ka hadlaysa kulankan ku jirin madaxweynaha Maraykanka Donald
Trump oo muddo yar kaddib markii uu xilka qabtay ka baxay Axdigii Paris ee
xakamaynta isbeddelka Cimilada, waxa kale oo shirkan muhiimka ah aan ka
qaybgelin hoggaamiyeyaasha dalalka qorshaynaya in ay furaan warshado dhuxusha
ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jabbaan, iyo kuuriyada Koonfureed.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Antooniya Gotarees oo
ka hadlay isbeddelka cimilada ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo ganacsatada
waaweyn ee adduunka ka cosaday in aanay shirka cimiladakaga soo qaybgelin
khudbado ay jeediyaan oo keliya, balse looga fadhiyo in ay la yimaaddaan
qorsheyaal. Waxa aanu ku dhiirrigeliyey in ay wacad ku maraan in ay ka
shaqaynayaan yaraynta xawaaraha isbeddelka cimilada iyo in ay faraha ka
laabanayaan shidaalka isticmaalka shidaalka Karboonku ku badan yahay, ee ay ka
mid yihiin dhuxusha, baatroolka iyo gaasta dabiiciga ah, taas oo la aaminsan
yahay in ay qayb libaax ka qaataan isbeddelka cimilada adduunka.

Warbixinta hay’adda qaramada midoobey ee la socoshada
cimilada waxaa lagu sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee adduunku ka waajahayo
dhinaca isbeddelka cimiladu ay yihiin khatarta ka dhalanaysa kor u kaca
heerkulka adduunka oo sababaya in uu kor u kaco joogga baddu, iyo in barafka
labada cidhif ee adduunku si kedis ah u biyoobo, korna u kacaan duufaannada,
daadadka iyo lama degaanka uu dhulku noqonayo.

Warbixintu waxa ay ka digaysaa in haddii aan dhaqso loo bilaabin fulinta qorsheyaal lagu xakamaynayo cimiladu ay dhici karto in heerkulka kor u sii socdaa uu keeno aafooyin dabiici ah iyo masiibo dhaqaale iyo bani’aadam.

https://www.premierbank.so/