https://www.premierbank.so/

Xisbiga WADDANI ee somaliland oo tiriyey masuuliyiin shaqaale dawladeed ah oo ka qaybgalay shirweynihii kulmiye

Afhayeenka xisbiga wadani ee Somaliland Garyaqaan barkhad jaamac batuun Ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe ee KULMIYE labada maalmood magaalada Boorama uga socday uu gawracay sharaftii iyo habyaddii dawladda Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka oo Arbaca 27 feb warbaahinta kula hadlayay xaruunta dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Ayaa sheegay in Ay tahay taariikhda  markii ugu horaysay ee ay xarumaha dawladda oo dhami aaruq noqdaan, shir uu xisbiga talada hayaa qabsanayo awgii.

Garyaqaann Barkhad Jaamac Batun waxa uu si gaar ah u xusay masuuliyiin shaqaale dawladeed ah oo sida uu sheegay aan sharci ahaan xaq u lahayn in ay shirarka siyaasiga ah ee xisbiyada ka qaybgalaan. Isaga oo soo bandhigay. Masuuliyiintaas uu sheegay in si kedis ah shirka loogu dhex arkay iyaga oo calanka xisbiga KULMIYE ku jeeni-qaaran. Waxa aanu ku tilmaamay bahdil loo geystay hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Dhinaca kale afhayeenka WADDANI waxa uu naqdiyay khudbadii uu madaxwayne Biixi ka jeediyey magaalada Borama oo uu sheegay in uu ka muuqday in aanay jirin cid madaxweynaha ka faafreebta hadallada u jeedinayo. Taasina ay tahay calaamadaha keli-talisnimada. Sida uu hadalka u dhigay.