Xisbiga UCID ee somaliland oo dhalleeceeyey dhalinyaro uu sheegay in ay amarro aan kuwa madaxweynaha ahayn siiyaan masuuliyiinta dawladda
Xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga Ucid Mudane Yusuf Kayse Ayaa diginin u diray dhalinyaro uu sheegay in ay qaranka Somaliland si dadban ugu taliyaan.
Xoghayaha oo Salaasada 27 Feeberweri warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee Xisbiga ayaa sheegay in kooxo dhalinyaro ah oo habeenkii wadajir ugu caweeya huteellada Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay. ay goobaha ay ku cawaynayaan masuuliyiinta dawladda uga soo diraan farriimo ay ugu sheegayaan in ay madaxweynaha ku ammaanaan barahooda bulshada.
Mudane Yusuf Kayse waxa uu ka hadlay dhibaatooyin ay ka mid yihiin sicir bararka, shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumo uu sheegay in ay dalka ka jiraan.
Isaga oo xukuumadda ku dhaliilay in aanay waxba ka qaban. Iyo in iyada iyo xisbigeeda KULMIYE ay ka baydheen cadaaladdii, caadana ka dhigteen Sharci Darada. Sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kalana xoghaye Keyse waaxa uu Ka Hadlay Shirwaynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ku Qabsaday Magalada Boorama Oo uu Sheegay in ay ka dhacday sharci darradii abid ugu weynayd ee lagu arko shirarka xisbiyada Somaliland, kaddib markii sida uu sheegay ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin shaqaale dawladeed ah oo xilal waaweyn dalka ka haya.
Waxa aanu masuuliyiintaas uu sheegay ugu baaqay in ay iska jirana ku dhex milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay bulshada Somaliland dhex ugu noqon lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.






