https://www.premierbank.so/

Xisbiga UCID ee somaliland oo dhalleeceeyey dhalinyaro uu sheegay in ay amarro aan kuwa madaxweynaha ahayn siiyaan masuuliyiinta dawladda

Xoghayaha
warfaafinta ee Xisbiga Ucid Mudane Yusuf Kayse Ayaa diginin u diray dhalinyaro
uu sheegay in ay qaranka Somaliland si dadban ugu taliyaan.

Xoghayaha
oo Salaasada 27 Feeberweri warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee Xisbiga
ayaa sheegay in kooxo dhalinyaro ah oo habeenkii wadajir ugu caweeya huteellada
Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay. ay goobaha ay ku cawaynayaan masuuliyiinta
dawladda uga soo diraan farriimo ay ugu sheegayaan in ay madaxweynaha ku
ammaanaan barahooda bulshada.

Mudane
Yusuf Kayse waxa uu ka hadlay dhibaatooyin ay ka mid yihiin sicir bararka,
shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumo uu sheegay in ay dalka ka jiraan.

Isaga
oo xukuumadda ku dhaliilay in aanay waxba ka qaban. Iyo in iyada iyo xisbigeeda
KULMIYE ay ka baydheen cadaaladdii, caadana ka dhigteen Sharci Darada. Sida uu
hadalka u dhigay.

Dhinaca
kalana xoghaye Keyse waaxa uu Ka Hadlay Shirwaynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga
Kulmiye Ku Qabsaday Magalada Boorama Oo uu Sheegay in ay ka dhacday sharci
darradii abid ugu weynayd ee lagu arko shirarka xisbiyada Somaliland, kaddib
markii sida uu sheegay ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin shaqaale dawladeed ah
oo xilal waaweyn dalka ka haya.

Waxa
aanu masuuliyiintaas uu sheegay ugu baaqay in ay iska jirana ku dhex milanka
siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay bulshada Somaliland dhex ugu noqon
lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/