https://www.premierbank.so/

Taliska bilayska ee Somaliland oo ka hadlay dil ka dhacay Hargeysa iyo shil gaadhi oo wiil yar oo arday ahi ku dhintay

Hogaanka sare ee ciidamada bilayska Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay arbacada 27 Febarwari ku qabteen xarunta taliska guudee bilayska waxa ay kaga hadleen shil qof ku dhintay iyo dil 24-kii saacadoood ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada hargeysa.

Taliyaha guud ee ciidmada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cadbilaahi Fadal Iimaan oo ay hareero fadhiyaan hogaanka sare ee ciidamada Booliska iyo nabadgaliyada wadooyinka ayaa sheegay in wiil yar oo arday ahi uu ku geeriyooday shil gadhi oo ka dhacay xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa. Shilkaas oo ka dhashay isku dhaca bas siday arday uu marxuumku ku jiray oo soo rawaxday iyo gaadhi iska rogo ah.

Taliye Fadal waxa uu sheegay in labadii darawal ee gaadiidkaasi ay xidhan yihiin islamarkaana ay horgayn doonaan sharciga. Waxa kale oo uu sheegay in Bilaysku ay baadhis iyo hubin ku samayn doonaan darawalada gaadiidka ardayda qaada.

Taliyuhu waxa uu xusay in maamuleyaasha dugsiyada ay masuuliyadi ka saaran tahay la xisaabtanka darawallada gadiidka ardaydooda qaadaya.

Dhinaca kalana Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu shaaciyay amaro iyo digniino xawaaraha socodku ka mid yahay oo ay kusoo rogeen darawallada basaaska ardayda qaada.

Isla shirkan jaraa’id waxaa isna ka hadlay afhayeenka ciidamada bilayska Somaliland ahna taliyaha ciidamada nabadgaliyada wadooyinka gaashaanle dhexe Faysal Xiis Cilmi oo ka warramay dilka nin shacab oo lagu magacaabi Jirey Naasir Faarax Cawil.

Afhayeenku waxa shaaciyay in ninkii geystay falkaas oo Hargeysa ka dhacay oo lagu magacaabo Mukhtaar Koosaar Aadan iyo mindidii uu dilka ku geystayba ay gacanta ku hayaan ciidamada bilaysku.