Midowaga afrika oo dawladda federaalka Soomaaliya ku wareejiyey warbixinta qiimayn lagu sameeyey ciidamada Soomaaliya
Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Mdiowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Faransisko Madeyra ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka ee Soomaaliya u gudbiyey warbixinta natiijada ka soo baxday qiimayn ay AMISOM ku samaysay u diyaarsanaanta ciidamada soomaaliya ee la wareegista hawlaha sugidda ammaanka, marka ay ciidamada Midowga Afrika baxaan.
War uu taliska AMISOM baahiyey 26 kii bisha Jeenaweri ayaa lagu sheegay in natiijada wasiirka loo dhiibay ay sheegaysay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay leedahay ciidamo tiradoodu ka badan tahay 20 kun oo ka hawlgala dawlad gobaleedada kala duwan ee Soomaaliya.
Warbixintu waxa ay sheegtay in ciidamada ugu badan uu leeyahay maamulgobaleedka Galmudug, kaddibna ay xigaan maamul-gobaleeddada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo u kala badan sida ay u kala horreeyaan.
Ciidamadan maamulgobaleeddada ayaa la sheegay in ay leeyihiin tababarrada milateri ee aasaasiga ah, laakiin ay haysato deegaan xumo, qalabka oo liita iyo qaab dhismeedka maamul oo hooseeya.
Warbixinta ay AMISOM ku wareejisay wasiir Maxamed Abuukar Isloow, waxaa lagu sheegay in dagaalyahannada ka tirsan xoogagga ciidan ee kala duwan ee goballada ka jira, iyo maleeshiyada qabiilladu ay iyaguna kaalin muhiim ah kaga jiraan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo ururrada kale ee mucaaradka hubaysan ah ee ka ka hawlgala dawlad goballeedada xubnaha ka ah dawladda Federaalka.
Warbixinta oo 60 bog ka kooban ayaa waxtarka ciidan beeleedka tusaale ugu soo qaadatay dagaalladii ka dhacay koonfurta galbeed ee Jubaland oo ay sheegtay in ay ka dhinac dagaalamayeen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM la dagaalamayey Alshabaab. Iyada oo sheegtay in maleeshiyo beeleedku ay meelo badan ka qabsadeen Al-Shabaab kuna guulaysteen in dadkii dhulkaas deggenaa ay ka ilaaliyaan dhibaato uga timaadda Al-Shabaab. Sida ay warbixintu qortay.
Danjire Madeyra oo ay warbixintu soo xigatay ayaa sheegay in fulinta qorshaha kala guurka ee bixitaanka ciidamada AMISOM uu ku xidhan yahay baahida loo qabo in si tallaabo-tallaabo ah masuuliyadaha ammaanka loogu wareejiyo xoogagga ammaanka ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo guulihii hore looga gaadhay ammaanka Soomaaliya.
Warbixintan ayaa ku salaysnayd xogta laga helay baadhitaanno intii u dhexeysay bishii saddexaad ee 2018 illaa bishii koowaad ee 2019 laga sameeyey maamulgobaleedada Soomaaliay ee Jubaland, Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Puntnald.
Waxaana la qiimaynayey tirada ciidamada uu maamulgobaleed kastaa leeyahay, tababarrada ay ciidankiisu leeyihiin, saanadda milateri e eay haystaan iyo kartidooda ciidan.
Wasiir Islow oo xukuumadda federaalka u guddoomay warbixinta AMISOM ayaa sheegay in qiimayntani ay muhiim u tahay qorshaha dhaqangelinta kala guurka. Maadaama oo lagu helo doono xogaha la xidhiidha ciidamada goballada jooga, qaybaha ay ka kooban yihiin, baahiyaha tababar ee jira iyo qalabka ay haystaan.






