https://www.premierbank.so/

Midowaga afrika oo dawladda federaalka Soomaaliya ku wareejiyey warbixinta qiimayn lagu sameeyey ciidamada Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Mdiowga Afrika u qaabilsan
Soomaaliya Ambassador Faransisko Madeyra ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo
ammaanka ee Soomaaliya u gudbiyey warbixinta natiijada ka soo baxday qiimayn ay
AMISOM ku samaysay u diyaarsanaanta ciidamada soomaaliya ee la wareegista
hawlaha sugidda ammaanka, marka ay ciidamada Midowga Afrika baxaan.

War uu taliska AMISOM baahiyey 26 kii bisha Jeenaweri ayaa lagu
sheegay in natiijada wasiirka loo dhiibay ay sheegaysay in dawladda Federaalka
Soomaaliya ay leedahay ciidamo tiradoodu ka badan tahay 20 kun oo ka hawlgala
dawlad gobaleedada kala duwan ee Soomaaliya.

Warbixintu waxa ay sheegtay in ciidamada ugu badan uu leeyahay
maamulgobaleedka Galmudug, kaddibna ay xigaan maamul-gobaleeddada Jubbaland,
Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo u kala badan sida ay u kala
horreeyaan.

Ciidamadan maamulgobaleeddada ayaa la sheegay in ay leeyihiin
tababarrada milateri ee aasaasiga ah, laakiin ay haysato deegaan xumo, qalabka
oo liita iyo qaab dhismeedka maamul oo hooseeya.

Warbixinta ay AMISOM ku wareejisay wasiir Maxamed Abuukar Isloow,
waxaa lagu sheegay in dagaalyahannada ka tirsan xoogagga ciidan ee kala duwan
ee goballada ka jira, iyo maleeshiyada qabiilladu ay iyaguna kaalin muhiim ah
kaga jiraan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo ururrada kale ee mucaaradka
hubaysan ah ee ka ka hawlgala dawlad goballeedada xubnaha ka ah dawladda Federaalka.

Warbixinta oo 60 bog ka kooban ayaa waxtarka ciidan beeleedka
tusaale ugu soo qaadatay dagaalladii ka dhacay koonfurta galbeed ee Jubaland oo
ay sheegtay in ay ka dhinac dagaalamayeen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM la
dagaalamayey Alshabaab. Iyada oo sheegtay in maleeshiyo beeleedku ay meelo
badan ka qabsadeen Al-Shabaab kuna guulaysteen in dadkii dhulkaas deggenaa ay
ka ilaaliyaan dhibaato uga timaadda Al-Shabaab. Sida ay warbixintu qortay.

Danjire Madeyra oo ay warbixintu soo xigatay ayaa sheegay in
fulinta qorshaha kala guurka ee bixitaanka ciidamada AMISOM uu ku xidhan yahay
baahida loo qabo in si tallaabo-tallaabo ah masuuliyadaha ammaanka loogu
wareejiyo xoogagga ammaanka ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo guulihii hore looga
gaadhay ammaanka Soomaaliya.

Warbixintan ayaa ku salaysnayd xogta laga helay baadhitaanno intii
u dhexeysay bishii saddexaad ee 2018 illaa bishii koowaad ee 2019 laga sameeyey
maamulgobaleedada Soomaaliay ee Jubaland, Koonfur-galbeed, Galmudug iyo
Puntnald.

Waxaana la qiimaynayey tirada ciidamada uu maamulgobaleed kastaa
leeyahay, tababarrada ay ciidankiisu leeyihiin, saanadda milateri e eay
haystaan iyo kartidooda ciidan.

Wasiir Islow oo xukuumadda federaalka u guddoomay warbixinta
AMISOM ayaa sheegay in qiimayntani ay muhiim u tahay qorshaha dhaqangelinta
kala guurka. Maadaama oo lagu helo doono xogaha la xidhiidha ciidamada
goballada jooga, qaybaha ay ka kooban yihiin, baahiyaha tababar ee jira iyo
qalabka ay haystaan.

https://www.premierbank.so/