https://www.premierbank.so/

Xisbiga WADDANI oo madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey in uu ku dhaqmayo siyaasad ah ‘Qaybi oo Xukun’

Xisbiga WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey in uu wado qorshe uu ku qaybinayo goballada Somaliland.

Xoghayaha garabka haweenka ee Xisbiga Marwo MAryan Maxamuud Dirir ayaa madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo salaasada 28 feeberweri warbaahinta kula hadashay xarunta Xisbiga ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu wado qaybi oo xukun. Sida ay hadalka u dhigtay. Iyada oo intaas ku dartay in uu madaxweynuhu meel kaga dhacay sharaftii iyo milgihii muwaadiniinta goballada bari ee somaliland. Iyada oo sheegtay in ay tahay markii labaad ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dadweynaha bariga Somaliland ku yidhaahdo ereyo aflagaaddo ku ah sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinac kalena marwo Maryan waxay madaxwaynaha Somaliland ku dhaliishay inuu ku fashilmay isu soo dhoweynta bulshada Somaliland oo doorashadii u dambaysay aad ugu qaybsamay iyo in aanu fulin ballanqaadyadii uu xilligii doorashada u qaaday bulshada somaliland.