Xildhibaan Nacnac oo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey in uu dadka qaybinayo
Xildhibaan Ahmed diiriye nacnac oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey in uu wado qorshe uu ku qaybinaayo bulshada somaliland.
Xildhibaan Nacnac ayaa ka hadalayey aragtidiisa odhaahdii hadal haynta badan reebtay ee uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in dadka deggen goballada galbeedka Somaliland ay ka xasilooni iyo aqoon badan yihiin kuwa bariga.
Xildhibaanka oo 26 ka Feeberweri si gaar ah ula hadlay codka Bariga Afrika ayaa sheegay in hadalkaasi aanu ahayn kii ku habboonaa in uu ka soo baxo debnaha madaxweynaha. Waxa aanu farriin ku aaddan u diray bulshada Bariga Somaliland.
Waxa kale oo uu xildhabaanku ka hadlay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo uu muddo aad u dheer ka tirsanaa, laakiin mar dambe ka tegey. Waxa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in ay wax laga xumaado tahay in xisbigu uu kharash badan ku bixiyo shirweynihiisa xilligan oo ay jiraan dad badan oo baahi nololeed oo adagi soo waajahday.
Xildhibaan Nacnac waxa uu madaxweyne Biixi ku eedeeyey in wax u qabashada dadkii soo doortay uu kaga mashquulay dhismaha madaxtooyo cusub oo uu sheegay in ay ku baxayso 40 illaa 80 milyan oo doolar.
Ugu danbayna xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan cid kaste oo dhibaato ku keenaysa qaranimada iyo midnimada Somaliland.






