https://www.premierbank.so/

Weerar Bambo oo loo geystay Booliska Kiiniya

Bilayska dalka Kenya ayaa 25 kii Feeberweri xabsiga u taxaabay shan ruux oo lagu eedeeyey in ay bambo gacmeed ku tureen ciidan bilays ah oo isniintii marayey mid ka mid ah jidadka magaalada Nayroobi.

Wargeyska the Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya warbixin uu bilaysku dhacdadan ka soo saaray ayaa sheegay in koox ka kooban sagaal ruux oo jidka marayey uu bilaysku ka shakiyey, kaddibna isku dayey in uu joojiyo si su’aalo loo weydiiyo, laakiin ay baxsadeen.

Bilayska ayaa eryaday sagaalkan ruux ee ay ka shakiyeen oo saarnaa 3 mootooyinka aadka u dheereeya ah, markii ay cabbaar ereynayeen ayaa mid ka mid ah kooxda la eyeyanayey bilayska ku tuuray bambo gacmeed sida muuqata uu doonayey in uu iskaga reebo, laakiin ma’ay qarxin.

Bilayska ayaa qabtay lix ka mid ah kooxdan oo qaarkood ay mootada ka dhaceen, kuwo kalana isku dayeen in ay lug ku baxsadaan.

Muddooyinkii dambe waxaa dalka Kenya marar kala duwan ka dhacay weerarro khasaare badan geystay oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab, sidaa awgeed waxaa inta badan heegan aad u sarreeya ku jiray bilayska oo baadha ama waraysta cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Si kastaba ha ahaato ee Weli lama oga cidda ay kooxdan bambada tuurtay ka tirsan yihiin iyo ujeedada hawlgalkoodan, laakiin goobta lagu qabtay oo suuq ahayd iyo dhalashadooda oo dhammaan Kenyaan ahayd ayaa abuurtay dareen ah in ay yihiin budhcad boob u socotay.