https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Puntland oo ballanqaaday dhammaystirka jidka Ceel-Daahir ilaa Ceerigaabo

Madaxweynaha
dawladda Puntland mudane Siciid Cabdillaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada ee
Puntland ku qabtay kulan qorshihiisu ahaa in la dardargeliyo hawlaha dhismaha
jidka isku xidhaya magaalooyinka Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo, oo labadii sano ee
u dambeeyey socday.

Madaxweynaha
ayaa Salaasada 26 Feeberweri kulan is barasho iyo dardargelin lagu sheegay la
qaatay guddiga dhismaha jidkan laamiga ah. Waxa aanu ka dhegeystay warbixinta
halka ay hawluhu u marayaan iyo caqabadaha ka hor yimi ee u baahan in ay dawladda
cusub ee Puntland ka gacan siiso sidii ay uga gudbi lahaayeen.

Madaxwayne
Denni waxa uu ballan qaaday in xukuumaddiisu ay bixin doonto kharashka ku
baxaya dhammaystirka jidkan inta hadhay.

Madaxweynuhu
waxa uu guddiga u sheegay in xukuumadiisu ay garab taagan tahay guddigan, oo uu
sheegay in intii awooddeeda ah ay ka gacan siin doonto dhamaystirka jidkan
laamiga ah oo sida uu madaxweynuhu sheegay ay dadku isticmaalkiisa dhibaato
badan ku qabeen.

Guddoomiyaha
guddiga dhismaha jidkan, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, ayaa madaxweynaha uga
warbixiyey halka ay marayso hawsha dhismaha jidka, caqabadaha ka hor yimi intii
ay hawsha ku jireen iyo weliba arrimaha ay xukuumadda cusub uga baahan yihiin
in ay ka gacan siiso.

https://www.premierbank.so/