Raysalwasaaraha dalka Itoobiya mudane Abiy Axmed ayaa qaabilay madaxweynaha Somaliland
Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa arbacada 20 ka feeberweri 2019 ka xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho dalkaas ku jooga.
War ay idaacadda Fana ee dalka Itoobiya sii deysay arbacada ayaa ay ku sheegtay in labada dhinac ay ka wada xaajoodeen iskuna afgarteen dhowr arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid tahay xoojinta xidhiidhka labadooda ummadood; xaqiijinta in xaaladda dadka Itoobiyka ah ee Somaliland ku nool la wanaajiyo iyo in si wada jir looga shaqeeyo arrimaha la xidhiidha nabadda iyo ammaanka.
Warku waxa uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ammaanay tallaabooyinka midnimada iyo iskaashiga gobalka la xidhiidha ee uu qaaday raysalwasaare Abiy Axmed, isla markaana uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aqbalay soo jeedinta raysalwasaaraha Itoobiya ee ahayd in aad loo sii adkeeyo, xidhiidhka wada shaqayneed ee dhow ee ay leeyihiin Somaliland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Gaar ahaan arrimaha la xidhiidha heshiisyada hore loo gaadhay, si mustaqbalka ay u bilaabaan wada hadallo fool-ka-fool ah.
Warka idaacadda FANA ay ku baahisay shabakaddeeda wararka ee Internetka waxa kale oo ay ku sheegtay in ay Somaliland iyo Itoobiya, ka wada hadleen, isticmaalka dekedaha Somaliland iyo arrimo kale oo dhaqaalaha la xidhiidha, sida uu caddeeye xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya.
Dhinaca kale wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa sheegay in xafiiska madaxweynaha Soomaaliya uu u xaqiijiyey in aanu jirin kulan qorshaysan oo ay Addis Ababa ku yeelanayaan madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Warkan waargeyska The Reporter ayaa jawaab u ahaa warar gelinkii hore ee isla maalinnimada Arbacada ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya oo sheegayey in ay labada hoggaamiye ku kulmayaan Addis Ababa.
Waxaa ka mid ahaa wargeyska The Fortune ee ka soo baxa dalka Itoobiya oo qoray in ilo xukuumadda Itoobiya ka agdhowi ay u xaqiijiyeen in Madaxweyneyaasha Biixi iyo Farmaajo ay ku kulmayaan magaalada Addis Ababa.





