Iran oo gantaal ku dhufatay markab marayay Hormuz, 8 askari oo Maraykan ah oo dhaawacmay
Warbaahinta NBC News ee Maraykanka ayaa sheegtay in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Maraykanka ay dhaawacmeen kaddib markii gantaal laga soo tuuray Iran uu 14-kii Sebtembar ku dhuftay markab ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz.
NBC, oo soo xigatay saddex mas’uul oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in askartu ay la kulmeen qiiq iyo calaamado la xiriira dhaawac maskaxeed, hase yeeshee aan midkoodna soo gaarin dhaawac halis ah. Dhammaantood ayaa markii dambe dib ugu laabtay shaqadoodii.
Markabka la weeraray ma ahayn markab dagaal oo ay leedahay dowladda Maraykanka. Toddoba ka mid ah askarta dhaawacantay waxay ahaayeen ciidamo caadi ah, halka askariga siddeedaad uu ahaa sarkaal.
Magacyada siddeeddan askari ayaa lagu daray diiwaanka dhaawacyada ee Wasaaradda Difaaca Maraykanka ku dhowaad 10 maalmood kaddib weerarka.
Dhacdadan ayaa muujinaysa khatarta sii kordhaysa ee ka jirta marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Xasilloonida marin-biyoodka iyo amniga maraakiibta ganacsiga ayaa sidoo kale muhiim u ah dalalka Geeska Afrika, maadaama isku socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu si dhow ugu xiran yahay ganacsiga gobolka iyo dekedaha muhiimka ah.






