In ka badan 40 milyan oo qof oo IGAD ah oo wajahaya cunto-yari ba’an, 9 milyan oo carruur ahna nafaqo-darro
In ka badan 40.3 milyan oo qof oo ku nool lix dal oo ka tirsan ururka IGAD ayaa sannadkan 2026 wajahaya heerar sare oo cunto-yari ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ku saabsan xaaladda cuntada ee gobolka.
Warbixintu waxay sheegtay in xaaladdu kasii dartay Jabuuti, Kenya, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, inkastoo tirada guud ay hoos uga dhacday 43.3 milyan oo qof oo ahayd sannadkii hore.
Suudaan ayaa ah dalka gobolka ugu daran, iyadoo 19.5 milyan oo qof ay wajahaan cunto-yari ba’an. Koonfurta Suudaan ayaa iyaduna leh saamiga ugu sarreeya marka loo eego tirada dadkeeda, iyadoo 55% shacabka ay xaaladdan wajahaan.
Warbixintu waxay sidoo kale ka digtay khatarta macaluusha ee ka jirta qaybo ka mid ah Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, iyadoo colaadaha, barakaca, xaaladaha cimilada iyo hoos u dhaca gargaarka bani’aadannimo ay sii xumeynayaan xaaladda.
Dhanka kale, in ka badan 9 milyan oo carruur ah oo ku nool lixda dal ayaa u baahan daaweyn la xiriirta nafaqo-darro ba’an, taasoo muujinaysa baaxadda xaaladda bani’aadannimo ee gobolka.






