Trump oo sheegay in Maraykan iyo Iiraan ay yeesheen kulan wanaagsan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in saraakiil ka kala socday Maraykanka iyo Iiraan ay yeesheen kulan, kaddib khudbaddiisii uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ku tilmaamay wada-hadalkii dhacay mid wanaagsan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Iiraan Mascuud Bisishkiyaan ayaa sheegay in Tehran ay ka digtoon tahay dib-u-bilaabista wada-hadallada, kaddib weerarro hore oo dhacay xilli ay socdeen wada-xaajoodyo u dhexeeyay labada dhinac.
Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa sidoo kale ugu baaqay Iiraan iyo kooxaha ay xulafada yihiin inay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah dalalka Khaliijka, isla markaana la ilaaliyo isu-socodka maraakiibta ee marinnada muhiimka ah ee Hormuz iyo Bab al-Mandab.
Dhanka Yemen, ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo haweeney, ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay magaalada dekedda ah ee Mokha.






