Qatar oo shaacisay mashaariic iyo fursado maalgashi oo ka badan $60 bilyan
Qatar ayaa shaacisay qorshe shan sano ah oo ay ku bixinayso mashaariic iyo fursado maalgashi oo qiimahoodu ka badan yahay 60 bilyan oo doollar, iyadoo sidoo kale daahfurtay madal cusub oo lagu magacaabo “Doha Investment”.
Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani, ayaa qorshahan ku dhawaaqay furitaanka Qatar Economic Forum oo ka dhacay dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Qorshaha ayaa waxaa ku jira mashaariic cusub oo kaabayaal ah oo lagu qiyaasay $38.5 bilyan shanta sano ee soo socota, kuwaas oo ay ku jiraan mashaariic iskaashi oo u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Hannaanka qandaraasyada qaar ayaa la filayaa inuu si degdeg ah u bilaabmo.
Sidoo kale, mashaariicda dhinacyada hantida ma-guurtada ah iyo dalxiiska ayaa la filayaa inay soo jiitaan maalgelin gaar loo leeyahay oo dhan $22.5 bilyan. Waxaa ka mid ah mashruuca Simaisma Beach, oo warbixintu sheegtay in loo qorsheeyay inuu soo jiito maalgelin gaaraysa ku dhowaad $5.8 bilyan.
Madalka “Doha Investment” ayaa loo sameeyay in lagu maareeyo lana kobciyo qayb ka mid ah maalgashiga gudaha ee Qatar Investment Authority (QIA), iyadoo la doonayo in la xoojiyo doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay, kobcinta shirkadaha maxalliga ah iyo soo jiidashada raasamaal iyo khibrad caalami ah.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu isku xidho mashaariicda kaabayaasha dowladda, raasamaalka gaarka loo leeyahay iyo khibradda caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, helitaanka suuqyada iyo iskaashiga muddada dheer.
Dhanka kale, Sheikh Mohammed ayaa xusay in xasilloonida diblomaasiyadeed iyo tan dhaqaale ay si dhow isugu xidhan yihiin. Waxa uu sheegay in Qatar ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, iyadoo doonaysa inay noqoto dhexdhexaadiye, bixiye tamar oo lagu kalsoonaan karo iyo lammaane maalgashi oo muddo dheer ah.
Qorshahan ayaa muujinaya sida Qatar ay diiradda ugu saarayso kala-duwanaanshaha dhaqaalaheeda, maalgelinta kaabayaasha iyo kordhinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo tamarta, kala-duwanaanshaha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda lagu tilmaamay tiirarro muhiim u ah qorshaheeda mustaqbalka.






