https://www.premierbank.so/

Xiisad Diblomaasiyadeed oo Ka Dhex Qaraxday Uganda iyo Turkiga

Xiisad diblomaasiyadeed ayaa sii xoogaysanaysa oo u dhaxaysa Uganda iyo Turkiga, iyadoo mudaharaadayaal reer Uganda ah ay Jimcihii isugu soo baxeen bannaanka Safaaradda Turkiga ee magaalada Kampala.

Dibadbaxa waxaa abaabulay kooxda Patriotic League of Uganda, oo uu guddoomiye ka yahay General Muhoozi Kainerugaba, oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda.

Dibadbaxayaashu waxay dalbanayeen in Turkigu uu Uganda u soo gacan-geliyo Fred Kajubi Lumbuye, oo ah siyaasad-faalleeye iyo mucaarad caan ka ah baraha bulshada, kaas oo muddo ku noolaa Turkiga. Dowladda Uganda waxay ku eedaysay dacaayad waxyeello leh, hurin rabshado iyo dambiyo dhanka internetka ah.

Safaaradda Turkiga ayaa horay u sheegtay inay xidhnaan doonto maalinta mudaharaadka, halka booliiskuna ay xireen waddooyinka u dhow safaaradda. Wararka ayaa sheegaya in booliis iyo dibadbaxayaal ay halkaas isku dhaceen kadib markii loo diiday inay gudaha u galaan safaaradda.

Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli Uganda iyo Turkigu ay sidoo kale isku hayaan arrimo la xidhiidha iskaashiga milatari iyo doorka labada dal ee Soomaaliya.