https://www.premierbank.so/

Nigeria oo Baadhitaan ku Samaynaysa Dhimashada 37 Qof oo Xabsi ku Geeriyooday

Dowladda Nigeria ayaa amartay baadhitaan ku saabsan dhimashada 37 qof oo loo haystay inay ku lug lahaayeen macdan-qodis sharci-darro ah, kuwaas oo ku dhintay xabsiga hay’adda Nigeria Security and Civil Defence Corps (NSCDC) ee magaalada Minna.

Dadkaasi ayaa la xidhay intii u dhaxaysay 15-kii iyo 16-kii Sebtembar, kadib howlgallo lagu qaaday goobo looga shakiyay in laga sameeyo macdan-qodis sharci-darro ah.

Sababta rasmiga ah ee dhimashadooda weli lama xaqiijin. Hay’adda ammaanka ayaa markii hore sheegtay in dhimashada laga yaabo inuu sababay cudur, balse markii dambe waxay sheegtay in baadhitaan caafimaad lagu ogaan doono sababta saxda ah.

Dhacdadan ayaa dhalisay mudaharaadyo rabshado wata, iyadoo dowladda Niger State ay magaalada Minna ku soo rogtay bandow habeenkii ah.

Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu ayaa dalbaday in la sameeyo baadhitaan buuxa oo lagu ogaado waxa sababay dhimashada dadkaasi, isla markaana cid kasta oo mas’uuliyadda ku lug yeelatay lala xisaabtamo.