https://www.premierbank.so/

Sucuudiga oo Masar Gurmad Difaac ka Dalbaday Kadib Yaraanshaha Hubka Ka-hortagga Gantaallada

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay inay wajahday xaalad adag oo dhinaca difaaca ah, kadib markii ay si weyn uga dhammaadeen rasaasta hubka difaaca cirka ee loo adeegsado ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo rideen dhinaca Ansar-Allah.

Xiisadda oo sii xoogaysatay toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa Sucuudiga ku qasabtay inuu gurmad degdeg ah ka codsado dowladda Masar, gaar ahaan taageero dhinaca duqeymaha cirka ah iyo agabka difaaca ee uu xilligan u baahan yahay.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay fashilmeen codsiyo uu Sucuudigu hore ugu diray afar dal oo uu ka dalbaday inay farageliyaan dagaalka. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba hawlgab noqday isbahaysigii saddex-geesoodka ahaa ee Sucuudiga, Pakistan iyo Turkiga, kaas oo ku dhisnaa mabda’a ah in weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah loo arko duullaan wadajir ah.