Shirgudoonka Golaha Guuriddu waxa uu beeninayaa war aan sal iyo raad toona lahayn oo ilaa xalay la wareejinaayey baraha bulshada kaas oo lagu sheegay in shaqada laga eryey Xisaabiyaha Golaha Guurtidda Faaisa Maxamed Axmed, arrintaas oo ah mid laga been abuurtay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Muuse X.Cabdi Ducaale.
Waxaananu ku jiraa baadhista cidii ka danbaysay warkaasi been abuurka ah ee larabay in shaki lagu galiyo kalsoonida hawlwadeenada Golaha Guurtidda JSL.
Anagoo u gudbindoona cidii ay ku caddaato arrintaasi hay’addaha ku shaqadale si looga qaado talaabada ku haboon.






