https://www.premierbank.so/

Sacuudi Carabiya oo taageertay xarunta daryeelka agoonta ee Baydhabo

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Gurmadka Bani’aadantinimo (KSrelief) ayaa dib u dayactirtay oo qalabaysay Xarunta Daryeelka Agoonta Cumar bin Al-Khaddaab ee magaalada Baydhabo, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mashruuca ayaa sidoo kale lagu qaybiyey 280 boorsooyin dugsiyeed iyo 280 darees iskuul, kuwaas oo la gaadhsiiyey 280 carruur ah oo ka faa’iidaysanaya xarunta.

KSrelief ayaa sheegtay in mashruucu qayb ka yahay dadaallo lagu dayactirayo laguna taageerayo xarumaha daryeelka agoonta, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda dhaqaale ee qoysaska carruurta agoonta ah.

Mashruuca waxaa ka mid ah diyaarinta fasallada, qalabaynta xarumaha iyo bixinta agabka waxbarashada. Waxa kale oo hooyooyinka qoysaska agoonta ee masuulka ka ah masruufka lagu tababarayaa xirfadda tolidda, waxaana la siinayaa mashiinnada dharka lagu tolo si ay uga helaan fursado dhaqaale.

Sida lagu sheegay warbixinta, mashruucu wuxuu guud ahaan ka faa’iidaysanayaa 905 carruur ah oo ku jira afar xarumood oo daryeelka agoonta ah, iyo 200 hooyo oo masuul ka ah masruufka qoysaskooda oo ku nool Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ujeeddada mashruuca ayaa ah in kor loo qaado tayada nolosha carruurta agoonta ah, loo abuuro deegaan ammaan ah oo ay ku noolaadaan kuna waxbartaan, isla markaana qoysaskooda laga taageero sidii ay u gaadhi lahaayeen xasillooni bulsho iyo isku-filnaansho dhaqaale.